TikTok: "Hal maalin gudaheed ayaan ka sameeyay iib dhan £100,000"

    • Author, Emma Simpson
    • Role, Weriyaha ganacsiga
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ganacsiga Daisy Kelly waxaa dhiirrigeliyay dhibaato ay iyadu la kulantay. Muddo sannado ah waxay caado u lahayd in ay iska siibto baalasha indhaheeda.

Waxay caadadaas ku qarin jirtay iyadoo isticmaasha baalal indhood oo macmal ah, balse markii xarumaha quruxdu xidhmeen xilligii cudurka Covid-19, Daisy waxay go'aansatay in ay samayso walax ka caawisa in ay dib u soo baxaan baalasha indhaheeda.

Waxay shirkaddeeda oo la yidhaahdo Glow For It ka bilowday miiska jikada ee guriga hooyadeed sannadkii 2020-kii, xilli ay weli ardayad ahayd. Maanta, ganacsigeedu wuxuu soo saaraa iib sannadle ah oo gaadhaya £6 milyan.

In ka badan 40% iibkeeda wuxuu ka yimaadaa dhinaca TikTok, iyadoo qayb sii kordheysa oo dakhligaas ka timaaddo iibka tooska ah ee loo sameeyo muuqaallada tooska.

"Waxaan u malaynayaa in iibka tooska ah uu dadka siiyo xidhiidhka iyo isdhexgalka aan dhammaanteen u baahannahay... Hal baahin oo toos ah oo TikTok ah oo socotay 12 saacadood ayaan ka sameynay dakhli ka badan £100,000," ayay tidhi Daisy oo 27 jir ah.

"Waxay gebi ahaanba beddeshay jihadii uu ganacsigaygu u socday."

Ganacsiga Daisy waxay si toos ah uga baahisaa istuudiyaha ugu yaraan lix saacadood maalintii, iyadoo soo-jeediyeyaal kala duwan ay la falgalaan macaamiisha, soona bandhigaan badeecooyinka islamarkaana uga jawaabaan su'aalahooda.

"Waxay la mid tahay in aad dukaankaaga ku haysato 500 qof," ayay tidhi.

Hadda waxaa jira madallo badan oo bixiya adeegga iibka tooska ah ee isku xidha iibiyayaasha iyo macaamiisha, sida Instagram Live, YouTube Shopping, eBay iyo Amazon Live, inkastoo mid walba uu leeyahay qaab u gaar ah.

Waxay u muuqataa in iibka tooska ahi uu noqday qayb ka mid ah hab-dhaqanka wax iibsiga ee maalinlaha ah ee dad badan.

Sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay hay'adda suuq-geynta tafaariiqda ee Savvy Marketing, 30% dadka wax iibsada ee la wareystay ayaa sheegay in ay alaab ka iibsadeen munaasabadaha iibka tooska ah.

Xarunta TikTok Shop ayaa sheegtay in iibkeeda gudaha Ingiriisku uu kordhay in ka badan 30% bishii Juun marka loo eego isla xillogan sannadkii hore, iyadoo iibka tooska ah uu noqday qaabka ugu kobaca badan.

Waxay sidoo kale sheegtay in hadda ay maalin kasta ka dhacaan in ka badan 6,000 baahin iib oo toos ah.

Munaasabad lagu qabtay suuqii taariikhiga ahaa ee Covent Garden, TikTok Shop waxay isugu keentay 20 ganacsi oo yaryar, kuwaas oo alaabtooda ka iibinayay goobta, islamarkaana si toos ah uga iibinayay macaamiisha ku kala nool daafaha Ingiriiska.

Iyagoo adeegsanaya oo keliya telefoon casri ah, nalal iyo qaboojiye ay ka buuxaan hilib, gaar ahaan nooca xalaasha ah ee Manny Malik oo laga keeno Wolverhampton ayaa soo jiitay ku dhowaad 200 qof oo si toos ah ula socday baahintiisa.

"Toddobaadkii hore waxaan samaynay baahin toos ah oo TikTok ah oo socotay saddex saacadood, waxaanan ku iibinnay hilib qiimihiisu gaadhayo £8,000," ayuu yiri.

Qaddarkaasi wuxuu sheegay in uu caadi ahaan ku qaadan jiray saddex ilaa afar maalmood in uu ku iibiyo dukaanka qoyskooda ee Malik Butchers.

Waxay hadda qorsheynayaan in ay furaan dukaan labaad oo ku yaalla Stoke, waxaana uu sheegay in TikTok uu door weyn ka ciyaarayo ballaadhinta ganacsigooda.

Laakiin adeeggaasi wuxuu leeyahay lacago laga jaro iibka.

TikTok Shop UK ayaa ka qaadda ilaa 9 boqolkiiba lacag kasta oo £1 ah oo lagu iibiyo madasha, taas oo ah qiimaheeda caadiga ah.

Marka la barbar dhigo, ganacsatada ku iibisa eBay waxay caadi ahaan bixiyaan lacag u dhaxaysa 6.9 pence iyo 14.9 pence halkii £1 ee iib ahba, inkasata oo ay ku xidhan nooca badeecadda. Ganacsatada isticmaasha adeegga eBay Live waxay bixiyaan lacag isku dhafan oo gaadhaysa 8.42 pence, taas oo ay ku jiraan kharashka habaynta lacag-bixinta.

"Waa lacag badan," ayuu yiri Manny.

Buket Sevik oo 34 jir ah ayaa bishii February aasaastay shirkaddeeda dahabka ee Adorina, kaddib markii ay ka tagtay shaqadeedii caadiga ahayd ee 9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo oo ay ka ahayd maamule ganacsi.

Ganacsigeeda cusub wuxuu ka kordhay 50 dalab bishii ilaa 500 dalab toddobaadkii, tan iyo markii ay bishii May billowday iibka tooska ah ee TikTok Shop UK.

Waxay ka soo guurtay in ay ka shaqeyso miiska cuntada ee gurigeeda waxayna u wareegtay xarun yar oo ay hadda ka samayso baahinta tooska ah, halkaas oo dalabyadana lagu cabbeeyo.

"Waa wax waalli ah," ayay iyadoo qoslaysa tidhi.

Baahida oo aad u korodhay awgeed, waxay hadda raadinaysaa qof ka caawiya shaqada.

Laakiin Buket waxay sheegtay in faa'iidada ugu weyn ee baahinta tooska ahi ay tahay dabacsanaanta.

Sahankii ugu dambeeyay ee ay samaysay Savvy ee ku saabsanaa macaamiisha ayaa sidoo kale muujiyay in 66% dadka ka tirsan jiilka Y (Gen Y) iyo jiilka Z (Gen Z) ay sheegeen in marka ay arkaan badeecooyin si degdeg ah u dhammaanaya ama si weyn caan uga noqda baraha bulshada, ay taasi kordhiso rabitaankooda ah in ay iibsadaan.

Arrintan ayaa walaac ku haysa hay'adda bixisa talooyinka deynta bilaashka ah ee Money Wellness, taas oo ka digaysa in dhacdooyinka wax iibsiga tooska ah ay yihiin "qaacido horseedi karta kharash-bixin xad-dhaaf ah," ayay tidhi maamulaha xidhiidhka dibadda ee hay'adda, Rebecca Lamb.