You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay daruurta la sheegay inay kusoo dhacday magaaladan Afrika ku taalla?
Dhawaanahan waxaa jidka weyn ee Abuja ilaa Kaduna ka dhacay arrin yaab leh oo soo jiidatay dareenka dadka safarka ah ee maraya waddada.
Wax u ek daruur ayaa ka soo burqanaysay dhulka hoostiisa, iyadoo isku ururaysay, korna u kacaysay kadibna dhinacyada ugu fidaysay.
Tan iyo toddobaadkii hore ayay arrintani billowday inay soo jiidato dareenka dadka safarka ah, kuwaas oo ka degaya gaadiidkooda isla markaana dhex galaya si ay sawirro uga qaataan.
Dad badan ayaa sheegaya in ay tahay daruur dhulka ku soo dhacday, taas oo ah dhacdo aan caadi ahayn oo aan inta badan la arag.
Ma daruur baa?
Hay'adda Ilaalinta Xeerarka Deegaanka ee Nigeria (NESREA) ayaa sheegtay inay billowday baaritaan si loo ogaado sababta dhacdadan.
Maalintii Talaadada ayay koox ka tirsan saraakiisha hay'addu booqdeen goobta ku dhow magaalada Jere ee gobolka Kaduna si ay indhahooda ugu arkaan xaaladda.
Bayaan ay soo saartay ku-xigeenka agaasimaha waaxda warfaafinta ee hay'adda, Nwamaka Ejiofor, ayaa lagu sheegay in saraakiisha NESREA ay goobta u tageen si ay baaritaan uga sameeyaan.
Waxay sidoo kale sheegtay in baaritaankii hordhaca ahaa ay ku ogaadeen in waxa goobta ku ururaya ay yihiin xumbo, ee aysan ahayn daruur sida ay dadka qaar faafinayeen.
Baaritaanka hordhaca ah ee NESREA ay samaysay ayaa muujiyay in gaari weyn oo siday kiimikooyin uu shil ku galay meel u dhow goobta, taasoo sababtay in kiimikooyinkii uu siday ay daateen.
Waxaa looga digayaa dadka inay taabtaan xumbada
Inkasta oo hay'addu aysan weli xaqiijin waxa si dhab ah sababay samaysanka xumbada, haddana waxay sheegtay inay waddo baaritaan lagu ogaanayo sababta dhabta ah.
NESREA waxay sheegtay inay xog ka ururisay saraakiisha dowladda iyo dadka deegaanka, isla markaana ay qaaday muunado ka mid ah xumbada, ciidda goobta iyo biyaha tog ku dhow si ay baaritaanka u sii ballaariso.
Hay'addu waxay sidoo kale uga digtay shacabka inay ka fogaadaan xumbada, biyaha ku dhow goobta iyo ciidda ku hareeraysan ilaa baaritaanku dhammaado, si looga fogaado suurtagalnimada in lala kulmo wax caafimaadka waxyeello u geysan kara.
Sidee ayay daruurtu u sameysantaa?
Marka meel fog laga eego, daruuruhu waxay u ekaan karaan suuf, laakiin dhab ahaantii waxay ka samaysan yihiin biyo.
Daruuruhu waxay samaysmaan marka hawadu qabowdo. Tani waxay beddeshaa uumiga biyaha oo ka dhigtaa dhibco biyo dareere ah, ama xitaa kiristaalo baraf aad u yaryar, hab loo yaqaan isku-ururinta uumiga.
Dhibcaha biyuhu way waaweyn yihiin oo ku filan yihiin inay qabtaan iftiinka oo ay noo oggolaadaan inaan aragno, laakiin aad bay u yaryar yihiin oo u fudud yihiin inay hawada ku sii laalaadaan oo aysan dhulka kusoo dhicin.
Dhibcaha biyaha oo dhan way isu yimaadaan oo waxay sameeyaan daruuro.
Daruuruhu waxay qayb ka yihiin wareegga biyaha.
Noocyada daruuraha
Khubarrada saadaasha hawada waxay daruuraha u kala saaraan iyagoo ku salaynaya jooggooda iyo qaabkooda:
Cirrus: Daruuro ku yaalla meel aad u sarraysa oo khafiif ah, kuwaas oo inta badan ka samaysan kiristaallo baraf ah.
Cumulus: Daruuro buuran oo u eg suuf, kuwaas oo badanaa tilmaama cimilo wanaagsan.
Stratus: Lakabyo daruuro ah oo hooseeya, una eg maro ama dabool fidsan, kuwaas oo dabooli kara cirka oo dhan, badanaana keena maalmo daruuro badan leh ama roob yar oo da'aya.
Nimbus: Daruuro madow, cufan oo si toosan u koraya, kuwaas oo keena roob xooggan, baraf, ama duufaanno onkod leh (tusaale ahaan, cumulonimbus).