You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma Khalil al-Xayya, ninka ay Xamaas u magacowday hoggaamiyaheeda guud?
- Author, Rushdi Abualouf
- Role, Wakiilka Qasa
- Reporting from, Istanbul
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa dooratay Khaliil al-Hayya inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee kooxda, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.
Wuxuu beddelay Yaxya Sinwaar, oo ay ciidamada Israa'iil ku dileen Gaza bishii Oktoobar 2024.
Al-Xayya, oo hore uga soo hoggaamin jiray dhaqdhaqaaqa Gaza isagoo dibadda ku sugan, ayaa si weyn loogu arkayay inuu matalo garabka adag ee Xamaas, kaas oo soo baxay intii lagu jiray dagaalkii ba'naa ee Israa'iil iyo Xamaas oo billowday ku dhowaad saddex sano ka hor. Wuxuu ahaa saaxiib dhow oo la shaqayn jiray Sinwaar, waxaana loo arkaa inuu sii wadi doono jihadii siyaasadeed ee uu horseeday marxuum Ismaaciil Haniyeh.
Isagoo ahaa madaxa wadaxaajoodyada Xamaas, al-Hayya wuxuu caan ka noqday caalamka isagoo hoggaaminayay wafdiyada kooxda ee ka qaybgalayay wada-hadallada aan tooska ahayn ee xabbad-joojinta, halkaas oo uu kula kulmay dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qadar.
Wuxuu dhowaan la wareegay mas'uuliyad weyn oo ku saabsan istaraatiijiyadda diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee Xamaas.
Bishii Sebtembar 2025, ninkan 65 jirka ah ayaa ka badbaaday duqayn cirka ah oo ay Israa'iil ku beegsatay kulan ay hoggaamiyeyaasha Xamaas ku lahaayeen magaalada Doha ee caasimadda Qadar. Shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jireen mid ka mid ah wiilashiisa, ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana sidoo kale ku dhintay xubin ka tirsan ciidamada ammaanka ee Qadar.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa xilligaas sheegay in hoggaamiyeyaasha Xamaas la bartilmaameedsaday sababtoo ah ay abaabuleen weerarkii lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo sababay inuu qarxo dagaalka Gaza.
Laba wiil oo kale oo uu dhalay al-Xayya ayaa lagu dilay isku dayo hore oo Israa'iil ku doonaysay inay ku disho isaga gudaha Gaza, halka wiil afraadna lagu dilay duqayn cirka ah oo Israa'iil ka fulisay Gaza bishii May.
Doorashada al-Xayya ee madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas ayaa timid kaddib laba wareeg oo codbixin ah, iyadoo xubnaha ururka ay u muuqdeen kuwo ku kala qaybsanaa aragtiyo kala duwan oo ku saabsan jihada mustaqbalka ee kooxda.
Wareeggii koowaad ee codbixinta ma uusan soo saarin guuleyste cad. Sida uu sheegay mas'uul Falastiini ah oo xog-ogaal u ah doorashada, madaxdii hore ee xafiiska siyaasadda Xamaas, Khaalid Mashaal, ayaa helay codad wax yar ka badan kuwii al-Hayya, balse ma uusan gaarin tirada codadka looga baahnaa si uu si toos ah ugu guuleysto.
Sida uu dhigayo xeer-hoosaadka gudaha ee Xamaas, musharraxu waa inuu helo ugu yaraan 36 cod oo ka mid ah 69-ka xubnood ee guddiga doorashada si loogu doorto si toos ah.
Waxaa la fahamsan yahay in wareeggii labaad ee doorashada lagu go'aamiyay habka "first-past-the-post", taas oo macnaheedu yahay in musharraxii helay codadka ugu badan uu ku guuleystay, xitaa haddii uusan helin aqlabiyad buuxda.
Xamaas waxay maraysaa mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa taariikhdeeda.
Kooxdan, oo Israa'iil, Boqortooyada Midowday (UK), Maraykanka iyo dalal kale oo badan ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa si weyn u wiiqantay intii uu socday dagaalka Gaza. Intii lagu jiray dagaalkaas, hoggaamiyeyaal badan oo sare oo dhinacyada militariga iyo siyaasadda ah ayaa la dilay, qaab-dhismeedkii maamulkeedana waa la burburiyey, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiintana ay burbureen.
Tartanka hoggaanka ayaa muujiyay kala qaybsanaan istaraatiijiyadeed oo sii ballaaranaysa oo ka dhex jirta Xamaas, taas oo ku saabsan jihada mustaqbalka ee kooxda.
Khaalid Mashaal, oo sannado badan hoggaamin jiray dhaqdhaqaaqa isagoo dibadda ku noolaa, ayaa lala xiriiriyaa hoggaankii dhaqanka ee Xamaas.
Taageerayaashiisu waxay ku doodayaan in Xamaas ay casharro ka barato dagaalka, kana fogaato istaraatiijiyad ku dhisan inta badan iska horimaad hubaysan, isla markaana qaadato hannaan siyaasadeed oo dabacsan iyadoo weli ilaalinaysa yoolalka aasaasiga ah ee dhaqdhaqaaqa.
Dhanka kale, taageerayaasha Khaliil al-Hayya ayaa ku guulaystay inay ku doodaan in hoggaanka Gaza, oo ahaa kan sida ugu weyn u qaaday culayska dagaalka, uu hadda hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa. Waxay doonayaan inay ka adkaystaan cadaadiska lagu saarayo inay sameeyaan tanaasullo waaweyn, gaar ahaan arrinta hub ka dhigista.
Tan iyo markii Xamaas ay heshiis xabbad-joojin la gaartay Israa'iil bishii Oktoobar ee sannadkii hore, waxay diidday inay hubka dhigto iyadoo aan la helin dammaanad cad oo horseedaysa xaqa Falastiiniyiinta ay u leeyihiin aayo-ka-tashigooda iyo dhismaha dowlad u gaar ah. Sidoo kale waxay diidday qorshayaasha Guddiga Nabadda ee uu Maraykanku hoggaamiyo, kuwaas oo mudnaanta siinaya hub ka dhigista degdegga ah halkii dib-u-dhiska laga hormarin lahaa.
Xamaas waxay sheegaysaa in aysan jirin dammaanado amni oo ka ilaalinaya weerarro kale oo Israa'iil ah ama kooxo hubaysan oo cusub oo soo baxaya.
Qiyaastii 1,200 qof ayaa lagu dilay, halka 251 qof oo kale la afduubtay weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday Israa'iil sannadkii 2023.
Israa'iil ayaa taas uga jawaabtay olole militari oo ballaaran oo ay ka billowday Gaza. Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas, in ka badan 73,280 qof ayaa lagu dilay dagaalka, kuwaas oo ay ku jiraan 1,158 qof oo la dilay tan iyo markii uu dhaqan galay heshiiska xabbad-joojinta.
Waa kuma Khalil al-Xayya?
Khalil al-Xayya waxa uu dhashay 5 November 1960 waa siyaasi falastiini ah oo soo noqday gudoomiye ku xigeenka Xafiiska Siyaasada ee Xamaas ilaa August 2024.
Al-Xayya waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Islamic University of Gaza, halka heerka labaad ee jaamacadana uu uga baxay Jaamacadda Urdun.
Shahaadada PhD waxa uu kaqaatay ka qaatay Jaamacadda Qur'aanka Kariimka iyo Culuumta Islaamka. Waxa uu ku biiray Xamaas ka dib markii uu dhammaystay heerka koowaad ee jaamacadda. Xiligaas waxa uu ku shaqayn jiray macalinimo.
Al-Xayya waxa uu tobanaan sano ahaa sarkaal ka tirsan Xamaas. Waxaa loo arkay inuu ahaa nin si aad ah ugu dhaw hogaamiyihii hore ee Xamaas Yahya Sinwar, waxaana lagu tilmaamay "mid ka mid ah dadka tirada yar ee Sinwar uu dareemay inuu isku haleyn karo."
Bishii November 2019, al-xayya iyo Rouhi Mushtaha waxay hogaaminayeen wafdi ka ambabaxay Marinka Qaza iyagoo booqday dhowr wadan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Lubnaan.
Safarkan ka hor waxa la sheegay in wefdigu ay Qaahira kula kulmeen saraakiisha sirdoonka Masar.
Al-Xayya waxa uu sidoo kale hoggaamiyay wadahadallo dib u heshiisiin ah oo ay yeesheen kooxda Fatah. Bishii Janaayo 2022, wuxuu booqday Algeria, ka dib martiqaad uu ka helay madaxweynaha Algeria.
Bishii October 2022, al-Xayya wuxuu ku dhawaaqay in isaga iyo wakiillo ka socda kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ay kulan "taarikhi ah" magaalada Dimishiq kula yeesheen madaxweynahii Suuriya Bashar al-Assad. Al-Xaya ayaa waxa uu markaasi sheegay in ay isku afgarteen in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeya Xamaas iyo Suuriya, kaas oo soo bilowday markii Xamaas ay diiday in ay taageerto Nidaamka Bashaar Al-Asad, intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.
Al-Xayya waxa uu u matalayay Xamaas intii lagu jiray gorgortanka dadban ee lala galay Israa'iil kaas oo looga hadlayay sii deyntii dadkii ay Xamaas Israa'iil ka soo qafaalatay iyo xabbad-joojinta. Ka dib dilkii Yaxya Sinwar ee bishii October 2024, al-Xayya waxaa loo arkayay musharrax suuragalka ah ee badali kara Sinwaar.
Toddobo ilaa siddeed ka mid ah qaraabada al-Xayya, oo ay ku jiraan laba walaalihiis ah, ayaa lagu dilay weerarro ay Israa'iil ku qaadday gurigiisa 2007.
Waxaa fashilmay isku dayo dil oo lagu doonayay in isaga lagu khaarajiyo. Sanadkii 2008 ayaa sidoo kale mid ka mid ah wiilashiisa lagu dilay duqayn dhanka cirka.
Wiil kale, gabadh uu soddog u ahaa, iyo wiil uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday gurigiisa bishii July 2014 intii lagu jiray dagaalkii Gaza ee sanadkaas.