Haween ka gadooday "lugaha timaha leh" ee rag shaqada usoo xirta surwaal gaaban

Ragga Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Kurumi Mori
    • Role, Wakiil-wareedka Tokyo
    • Author, Chie Kobayashi
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Iyadoo heerkulku uu kasii darayo xagaagan, ragga Japan ayaa hadda si ka badan sidii hore lugahooda bannaanka u soo dhigaya marka ay ku sugan yihiin goobaha shaqada.

Dowladda Ismaamulka Magaalada Tokyo ayaa ku dhiirrigelinaysa shaqaalaha shirkadaha inay iska daayaan suudhka iyo xarigga qoorta (taayga) ee ay caadiyan xirtaan, ayna doortaan dhar ka dabacsan oo ay ka mid yihiin funaanado, kabaha isboortiga, iyo surwaallada gaagaaban.

Guddoomiyaha Magaalada Tokyo, Yuriko Koike, ayaa bishii Abriil soo bandhigtay ololaha "Tokyo Cool Biz", iyadoo rajaynaysa inay sii ballaariso hindisaheeda lagu yareynayo saameynta kulaylka, kaas oo hadda noqday dhaqan xagaaga sanad walba si weyn looga aqoonsan yahay Japan.

Ku dhowaad afar bilood kadib, siyaasadda cusub ee u oggolaanaysa shaqaalaha inay surwaallo gaagaaban ku xirtaan xafiisyada ayaa dhalisay aragtiyo is khilaafsan.

Qaar ka mid ah dadka ayaa soo dhaweeyay dabacsanaanta cusub, iyagoo sheegay inay ka caawineyso inay si raaxo leh u shaqeeyaan. Kuwo kalena waxay ku doodayaan in siyaasaddan aysan caddaalad u ahayn haweenka, maadaama weli laga filayo inay xirtaan sharabaado dhaadheer marka ay qayb ka mid ah lugahooda muujiyaan.

Dhanka kale, haween qaar ayaa sheegay inay la kulmeen waxa ay ku tilmaameen "dhibaateyn timaha lugaha", ama erayga internetka lagu sameeyay ee "sunehara", kaas oo loola jeedo dareenka raaxo-darrada ah ee ka dhasha in qof lagu khasbo inuu arko timaha lugaha ee saaxiibkiis ama saaxiibteed shaqada.

"Waxaan dooneynaa inaan dadka siinno doorashooyin badan xilligan kulaylka daran, ee ma ahan inaan u sheegno waxa ay xirtaan. Ma jirto wax dhibaato ah inta uu dharka shaqadu uusan cidna dhibin ama ka xumaanayn," ayuu BBC-da u sheegay Noboru Watanabe, oo ah mas'uul ka tirsan waaxda deegaanka ee Dowladda Ismaamulka Magaalada Tokyo.

Sahan ay bishii Juun sameysay Gorilla Clinic ayaa muujiyay in 53.5% dadka la weydiiyay ay ka soo horjeedaan in surwaallo gaagaaban lagu xirto goobaha shaqada xilliga xagaaga, halka 46.5% ay taageersanaayeen talada cusub.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kuwa ka soo horjeeday xirashada surwaallada gaagaaban ee xafiiska, sababta ugu weyn ee ay sheegeen — rag iyo dumarba — waxay ahayd walaaca ay ka qabaan qaabka jirka iyo timaha lugaha. Rugta caafimaadka ayaa sheegtay in dumarku si weyn uga badnaayeen ragga tirada jawaab bixiyeyaasha, taasoo muujinaysa in haween badan aysan ku qanacsanayn inay arkaan lugaha qaawan ee ragga ay wada shaqeeyaan.

Sanadihii u dambeeyay, shaqaale badan oo reer Japan ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya shirkadaha bilowga ah (startups) iyo shirkadaha tiknoolajiyadda, ayaa bilaabay inay xirtaan dhar aan rasmi ahayn. Hase yeeshee, talada ay dowladda Tokyo soo saartay sannadkan ayaa ka dhigtay arrintaas mid bulsho ahaan si weyn loo aqbalay. Si kastaba ha ahaatee, ragga qaarkood ayaa weli dareemaya xishood ku saabsan timaha lugahooda.

Akifumi Funatsu, oo ah agaasimaha Gorilla Clinic, ayaa sheegay inuu arkay macaamiil badan oo u imanaya rugta caafimaadka, kuwaas oo aan u imaan oo keliya arrimo quruxeed, balse sidoo kale u arka inay tahay "anshaxa bulshada marka la xirto surwaallo gaagaaban."

Wuxuu aaminsan yahay in haween badan ay qabaan fikirka ah in "raggu ay tahay inay yeeshaan timo lugo oo yar," taasina ay ku dhiirrigelisay rag badan inay raadsadaan daaweynta laysarka ee timaha looga saaro, si aysan uga xanaajin ama u dhibin dadka ku hareeraysan.

Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Guddoomiyaha Magaalada Tokyo, Yuriko Koike, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay isbeddelkan dhanka labiska xagaaga sanadkii 2005, xilligaas oo ay ahayd wasiirka deegaanka ee Japan. Waxay bilowday olole qaran oo lagu magacaabo "Cool Biz", kaas oo lagu dhiirrigelinayay shaqaalaha shirkadaha inay xirtaan funaanado gacmo-gaaban halkii ay ka xiran lahaayeen suudh iyo taay.

Hoggaamiyeyaasha dowladda ayaa iyaguna ka qeyb qaatay ololahan. Ra'iisul Wasaarihii xilligaas, Junichiro Koizumi, ayaa marar badan lagu arkayay munaasabadaha dadweynaha isagoo aan xiran taay ama jaakad, taasoo gacan ka geysatay faafinta farriinta ololaha.

Dhowr sano kadib, markii uu dhacay dhulgariirkii iyo duufaantii tsunami ee Tohoku bishii Maarso 2011, dowladda Japan waxay bilowday olole cusub oo la yiraahdo "Super Cool Biz", kaas oo ballaariyay tilmaamaha si loo yareeyo isticmaalka tamarta goobaha shaqada iyo guryahaba.

Sida dalal badan oo dunida ka mid ah, Japan waxay bilihii u dambeeyay la daalaa-dhacaysay heer-kul aad u sarreeya oo jabiyay rikoodhadii hore, iyadoo sidoo kale wajahaysa kororka qiimaha tamarta oo ka dhashay xasillooni darrada Bariga Dhexe.

Hay'adaha saadaasha hawada ayaa ka digay in xagaagan uu noqon doono mid aad u kulul. Hay'adda Saadaasha Hawada ee Japan ayaa xitaa bilowday inay bulshada ku baraarujiso isticmaalka erayga "kokusho-bi", oo loola jeedo "maalin kulaylkeedu aad u daran yahay", marka heerkulku ka bato 40°C.

Xogtii ugu dambeysay ee toddobaadlaha ahayd ayaa muujisay in 7 qof ay Japan ugu dhinteen kulayl daran halka 4,580 qof la dhigay isbitaallada muddadii u dhexeysay 6 ilaa 12 Luulyo, sida ay sheegtay Hay'adda Dab-damiska iyo Maareynta Musiibooyinka.

Marka laga soo tago cabitaanka biyo badan iyo shididda qaboojiyaha, oo ah talooyinka ay dowladda si joogto ah u bixiso, dadka reer Japan ayaa sidoo kale u jeestay alaabooyin iyo qalab cusub oo ka caawiya inay ka adkaadaan kulaylka.

Waxyaabaha aadka loo iibsanayo waxaa ka mid ah:

Dhar ay ku rakiban yihiin marawaxado yaryar.

Tuwaallo qoyan oo hal mar la isticmaalo.

Dalladaha ka hortaga fallaadhaha qorraxda iyo kulaylka.

Marawaxadaha gacanta lagu qaato.

Alaabtan ayaa si weyn looga iibsanayaa dukaamada dalka oo dhan.

Khubarrada ka tirsan Shabakadda Tacliinta ee Japan ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka ayaa ku boorrinaya dadka inay si tartiib tartiib ah ula qabsadaan kulaylka, maaddaama jirku uu u baahan yahay dhowr toddobaad si uu ula qabsado heerkulka sare.

Waxay sheegeen in tallaabada ugu muhiimsan ay tahay in dadka ay bilaabaan isu diyaarinta cimilada kulul inta lagu jiro xilliga roobabka ee dalka, ka hor inta uusan si buuxda u bilaaban kulaylka daran ee xagaaga.

Japan waxay sidoo kale la tacaashaa huur (qoyaan) aad u sarreeya, taas oo adkeysa in dhididku si fudud u uumi baxo, sidaas darteedna hoos u dhigta awoodda jirka ee uu isku qaboojin karo.