Faransiiska oo qaadaya tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxay tahay sheekada ku saabsan "Wadaadka" dumarka qaawan ku dhex jiray?

  2. Shakhsiyaadka diimaha ee ugu hadal haynta badnaa 2020

  3. Giriigga: Soomaalida Tahriibka ah waxay Turkiga ku yimaadaan fiiso ardeynimo ah

  4. Muslimiinta iyo Yuhuudda oo ka mideysan diidmada go'aan maxkamaddeed

  5. Ciyaaryahan caan ah oo ka carooday sida shirkadda Huawei ay ula dhaqanto Muslimiinta shiinaha

  6. Erdogan oo lagu heysto inuu Qadar siiyay warshad Taangiyada milatariga sameysa

  7. Weerarkii masaajiddii Christchurch ciidamada ma sii ogaayeen?

  8. Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Namibia

    Wargeyska kasoo baxa Jarmalka ee Bild ayaa si weyn u hadal hayay nin lagu magacaabo Adolf Hitler Uunona oo ku guuleystay doorashada golaha hoose ee deegaan ka tirsan dalka Namibia.

    Ninkan ayaa ka tirsan xisbiga haya talada Namibia ee Swapo.

    Siyaasigan oo la yiraahdo Adolf Hitler Uunona ayaa helay boqolkiiba 85 codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka Ompundja,

    Namibia waxaa horraan guumeystay Jarmalka, waxaana dalkaas ku nool bulsho ku hadasha afka Jarmalka oo laga tiro badan yahay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    "Aabahay ayaa ii bixiyay magacan Hitler, ma uusan fahansaneyn waxa uu u taagnaa magaca Adolf Hitler" ayuu yiri Uunona.

    "Yaraanteydii wuxuu ii ahaa magac iska caadi ah, laakiin markii aan weynaaday waxaan ogaaday in ninkan uu doonayay in uu la wareego dunida, marka aniga arrintan waxbo kama qaban karo"

    Guumeystihii Jarmalka ayaa isaga baxay Namibia kaddib markii uu soo afjarmay dagaalkii koowaad ee dunida.

    Intii u dhexeeysay sanadihii 1904 iyo 1908, ciidamadii Jarmalka waxay dileen in ka badan boqolkiiba 80 shacabka kasoo jeedo qowmiyadaha Nama iyo Herero, dhacdadaas oo ay taariikhyanada ku tilmaamaan "Xasuuqi la hilmaamay"

    .

    Xigashada Sawirka, ECN

  9. Boqolaal ka tirsan yuhuudda Itoobiya oo Israa'iil la geeyay

    Yuhuudda Itoobiya waxaa Israa'iil kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, ISRAEL GPO

    Qoraalka sawirka, Yuhuudda Itoobiya waxaa Israa'iil kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu

    Boqolaal ka tirsan Yuhuudda Itoobiya ah ayaa loo qaaday Israa'iil- waxay kamid ahaayeen kumanaan Yuhuudda Itoobiya ah oo si weyn u sugayay in loo daadgureeyo halkaas si ay ula midoobaan qoysaskooda.

    Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii Israa'iil ay shaacisay qorshaha ay ku daadgureyneyso dadkas si loo fuliyo ballan qaadyo ku aadaan arrintani.

    Xubnihii matalayay Yuhuudda Itoobiya ayaa sheegay in ay qaar badan oo ka mid ah sugayaan in la midoobaan qoysaskooda oo soddonkii sano ee u dambeeyay dib u dajin looga sameeyay Israa'iil.

    Waxaan in muddo qaatay hannaanka dib u dejinta loogu sameynayo Yuhuudda Itoobiya.

    Arrintan ayaa dhawaan soo ifbaxday kaddib dagaallada ka socda gobolka Tigray ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xooggaga TPLF, dagaallada ay halis geliyay inay ku fidaan magaalada Gondar halkaas oo ay ku yaallaan xeryo ay ku sugan yihiin Yuhuudda Itoobiya.

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Benjamin Netanyahu iyo ninka sida weyn uu loolanka uga dhexeeyo Benny Gantz ayaa Yuhuudda Itoobiya oo gaareyso 316 kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

  10. Hindiya oo dhistay buundo gaar ah oo loogu talagalay inay maraan xayawaanada xamaaratada

    Buundada loogu talagalay inay maraan xamaaratada
    Qoraalka sawirka, Buundada loogu talagalay inay maraan xamaaratada

    Saraakiisha ka shaqeeya ilaalinta deegaanka ee dalka Hindiya ayaa dhisay buundo u gaar ah xayawaanada xamaaratada ah.

    Buunadadan ayaa laga dhisay waddo dhex marta dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla gobolka Uttarakhand.

    Buundadan oo lagu magacaabo "Eco Bridge", ayaa waxaa laga sameeyay geedo, caws iyo agab kale, waana buundadii ugu horreysay oo noocan ah oo laga hirgeliyay halkaas, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha.

    Horraan, waxay baabuurta marayo halkaas ay jiiri jireen xamaaratada.

    Chander Shekhar Joshi oo kamid ah saraakiisha ilaalada deegaanka ayaa BBC u sheegay in labada dhinac ee buundada ay ku dhejiyeen kameerooyin si loola socda dhaqdhaqaaqa xayawaanada.

    Buundada ayaa haatan noqotay goob dalxiis iyadoo badan ay u daawasho tegayaan halkaas si ay sawirro isaga qaadaan.

    Saraakiisha duurjoogta ayaa ku rajo weyn in buundada ay dhawaan mari doonaan xayawaanada.

    Buundada ugaarka ah xamaaratada
    Qoraalka sawirka, Buundada ugaarka ah xamaaratada
  11. Tiro kamid ah ciidamada Mozambique 'oo lagu dilay weerar gaadmo ah'

    .

    Weerar gaadmo ah oo ay maleeshiyaad islaamiyiin ah ku qaadeen ciidamada Mozambique waxaa kaga dhintay 25 askari halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen tuulada Matambalale oo ku taalla degmada Muidumbe.

    Markii weerarka lagu qaadayay ciidamada waxay howlgal ka sameynayeen gobolka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Ciidamadan ayaa gobolka loo geeyay inay sugaan amniga kaddib markii toddobaadkii lasoo dhafaay weerar lagu qaaday halkaas isla markaana dab la qabadsiiyay guryo badan, dilna loo geystay qaar kamid ah dadka deegaanka.

    Ciidamada Mozambique weli kama aysan hadlin weerarka.

    Saddex sano oo ay colaad ka taagneyd gobolka Cabo Delgado waxaa ku dhintay 2,000 qof halka 500,000 qof ay guryahooda ka qaxeen, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaas.

  12. Muxuu dalkan Afrika ku yaalla isaga xaraashaya maroodigiisa?

    Ma ahan markii ugu horreysay ay Nambia iska xaraasheyso duur joogta oo uu kamid yahay maroodigeeda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ma ahan markii ugu horreysay ay Nambia iska xaraasheyso duur joogta oo uu kamid yahay maroodigeeda

    Saameynta ka dhalatay abaaraha iyo dagaalka banii'aadanka uu kula jiro duur joogta ayaa ku khasbay dowladda Namibia inay xaraashto ilaa 170 maroodi oo qiimahoodu sarreeyo.

    "Dhibaatada ka dhalatay abaarta iyo tirada maroodiga sare u sii kacayo xilli ay soo badanayaan weerarada banii'aadanka uu ku hayo maroodiga, waxaa soo ifbaxday baahida ah in la yareeyo tiradiisa" ayaa lagu yiri xayeeysiin lagu baahiyay wargeyska ay leedahay dowladda ee New Era.

    Wasaaradda deegaanka ayaa ku casuuntay shirkadaha daneynayo arrintani inay raacaan shuruudo gaar ah oo ay kamid tahay xeerka caalamiga ah iyo inay heystaan ogolaansho ah in xayawaanka loo dhoofin karo meesha laga doonayo.

    Waxaana loo qabtay cidda daneyneyso maroodiga in codsigooda ay kusoo gudbiyaan ilaa 29-ka bisha Jannaayo.

    Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dowladda Namibia ay fasaxday in la xaraasho 1,000 kamid ah xayawaanada duur joogta cabsi laga qabo darteed inay dhintaan xilli abaaro baahsan saameeyeen isla markaana aysan jirin nabaad ay cunaan.

    Waxaana xayawaanadaas kamid ahaa , Maroodiga, Geriga, Gisida iyo deerada, qorshahaas oo looga gollahaa in lagu helo lacag gaareyso 1.1 malyan si deegaanka iyo duurjoogta loogu ilaaliyo.

  13. Xaaladda dadka naafada ah ee ku soo barakacay magaalada Muqdisho

    Sannadwalba maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Naafada, si dadka naafada ah loogu dhiirrigeliyo inay bulshada si buuxdo u dhex galaan ugana mid noqdaan, wax loo qabto oo laga caawiyo si ay u gaaraan horumarka ay mudan yihiin.

    Soomaaliya waxa jira dad badan oo araga naafo ka ah oo deegaanno kala duwan ka soo barakacay oo ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo caawinaad oo ay helaan iska daayee waxa ay faquuq ayey bulshada kala kulmaan.

    Haddaba duruufaha ay ku noolyihiin dadkaas araga naafada ah ee soo barakacay waxaa u kuurgashay oo warbixintan magaalada Muqdisho inooga soo dirtay weriyaha BBCda Bella Sheegow.

    Qoraalka Codka, Waa nin naafo ah ku nool xeryaha barakacayaasha ee duleedka Muqdisho
  14. Faransiiska oo qaadaya tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda

    Masjidka weyn ee Paris

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Masjidka weyn ee Paris

    Dowladda Faransiiska ayaa qaadeysaa tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda looga shakiya inay dhiirigelinayaan fikradaha xagjirka ah.

    Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in 76 masaajid la beegsan doono maalmaha nagu soo aadan, waxaa dhici kartaa in qaar kamid ah masaajiddaas la xiro.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray "Muslimiinta gooni u goosadka ah" si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

    Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa lagu waday inay toddobaadkan dhexdiisa la kulmaan Madaxweyne Emmanuel Macron, si ay ugala hadlaan qoraal ku qoran "axdiga qiyamka Jamhuuriyadda" ee cusub kaas oo loogu talo galay inay saxiixaan imaamyada dalkaas.

    Golaha (CFCM), oo wakiil ka ah ilaa sagaal ururro Muslimiin ah, ayaa la sheegay in laga dalbaday inay qoraalka axdiga ku daraan aqoonsashada qiyamka Jamhuuriyadda Faransiiska, diidmada in Islaamka loo adeegsado dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo in la mamnuuco faragelin shisheeye.

  15. Puntland: Xildhibaanno xasaanadda lagala noqday

    Baarlamaanka Puntland

    Xigashada Sawirka, SBC

    Qoraalka sawirka, Baarlamaanka Puntland

    Baarlamaanka Puntland ayaa ayaa xasaanadda kala noqday xildhibaano lagu eedeeyay inay jebiyeen xeer hoosaadka iyo anshaxa golaha wakiilada.

    xildhibaanada xilka laga qaaday waxaa kamid ah, Cabdi Jamaal Cismaan, Cabdiqani Abshir Jaamac,

    Muuse Saciid Jajabsay, Cabdicaziiz Saciid Maxamuud, Maxamuud Maxamed Barre, Saleebaan Faarax, Cabdiraxmaan Dhoore, Maxamed Axmed caalin.

    Waxaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay baarlamaanka Puntland ka taagnaa buuq iyo qalalaaso.

  16. Jilaaga caanka ah ee Sunny Deol oo laga helay Covid-19

    .

    Xigashada Sawirka, Sunny Deol

    Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, ahna xildhibaanka baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga BJP, Sunny Deol, ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida uu sheegay xoghayaha caafimaadka ee gobolkaHimachal Pradesh, sida ay ku warrantay warbaahinta Hindustan.

    Xoghayaha caafimaadka ee gobolka ayaa warbaahinta PTI u sheegay in jilaaga iyo saaxiibadiisa ay qorsheynayeen inay aadaan magaalada Mumbai balse markii la baaray waxaa lagu arkay cudurka.

  17. Waa kuma agaasimihii hore ee NISA oo maanta xildhibaannimo loo doortay?