Erdogan oo aan weli ka hadlin guusha Biden

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxay tahay dhibaatada caafimaad ee Taabuuga oo shixnad ka mid ah ay dawladda Soomaaliya gubtay

  2. Abiy Axmed oo sheegay in ay dhawaan Badda Cas gaadhi doonaan

  3. Dhowr waxyaabood oo aadan ka ogayn Safwaan Halac oo ku geeriyooday Hargeysa

  4. Dhageyso: Xabaal-wadareed laga helay gobolka Jarar iyo dadka qaar oo la aqoonsaday

  5. Mid kamid ah Warshadaha ugu weyn bacraminta Afrika oo laga hirgalinayo gobolka Soomaalida

  6. Afartan iyo kow sano kadib: Halkee bay ku socotaa jabhada faca weyn ee ONLF

  7. Soomaaliya: 'Booqashadii wafdiga Imaaraatka xiriir lama lahayn mid kale'

  8. Muniira Xaashi: Sida ay gabadhan Soomaaliyeed u doonayso in ay u beddesho bulshadeeda

  9. Muxuu dhiig-karku ugu dhacaa hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmada?

  10. Ciidamada Mareykanka oo soo Gebagabeeyay hawlgal ka dhan ah ISIS-ta Soomaaliya

  11. Jigjiga oo laga fuliyay adeeg caafimaad oo aad loogu baahnaa

  12. Tusmada nabadda adduunka iyo Soomaaliya oo gashay kaalimaha ugu liita

  13. Sida Ruushku isaga oo aamusan isugu dayayo in uu ku guuleysto dunida ka baxsan reer galbeedka

  14. Masar oo sheegtay in aysan oggolaan doonin in dal gaar ah jabiyo sharciga caalamiga ee Nile

  15. Maxay fallanqeeyayaashu ka yiraahdeen saamaynta ay ku yeellanayso madasha xubnaha ka baxay maxayse dowladda ugu dhigan tahay?

  16. Sidee u dhacday doorshada guddoonka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya?

  17. Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya oo sheegay sababta aysan Shabab u gaarin Puntland iyo Somaliland

  18. Maxkamadda sare ee gobolka Tigray oo soo saartay go'aan ka farxinaya hablaha muslimiinta ah ee waxbarta

  19. Laba qoddob oo Rooble ku soo hadal qaaday shirkiisa jaraa'id iyo sida ay u aragto dowladda Soomaaliya

  20. Saynisyahanno ogaaday noocyo geri jaadgooni ah mid kamidana Soomaaliya laga helo

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    Sawir muujinaya afar geri oo kaamiradda toos u eegaya

    Xigashada Sawirka, Michael Brown

    Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya afar geri oo kaamiradda toos u eegaya

    Qiimayn cusub oo taariikhi ah ayaa si rasmi ah u aqoonsatay afar nooc oo geri ah, taas oo meesha ka saartay kala saarista naasleyda dhulka ugu dheer adduunka oo loo haystay markii hore in ay tahay ah hal nooc. Dib-u-eegistii kala saarista ay fulisay Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa la qiimeeyay xogta hidda-socodka taasoo muujisay fariga weyn ee DNA-da ee u dhexeeya dhowr nooc oo geri ah. Khubaradu waxay sheegeen in natiijooyinkan - oo daba socda daraasado hore oo la mid ah - ay caawin doonaan dadaallada ilaalinta geriga ee gobollada Afrika ee ay ku nool yihiin.

    Gerigu waa mid ka mid ah abuurenayaasha Eebbe ee dunida ugu jaadgoonisan aduunka aadna loo jecel yahay, had iyo jeerna loo maleeyo inuu yahay hal nooc. Laakiin hadda saynisyahano ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa sheegaya in aan soo dhaweyn karno saddex nooc oo kale oo naasley ah oo adduunka ugu dheer.

    Ma ahan markii ugu horeysay ee cilmi-baarayaashu ay soo jeediyaan in ay jiraan afar nooc oo ka mid ah kuwan caanka ah ee ku dul wareegaya meeraheena, laakiin qiimeyntii ugu dambeysay ayaa ku dhejisay shaambad rasmi ah.

    Sidee saynisyahannadu u soo saareen? Maxayse uga dhigan tahay mustaqbalka xayawaanka?

    Saynis yahanadu waxay isbarbardhigeen xajmiga madaxa iyo qaabka madaxa geriyada kala duwan waxayna ku soo gabagabeeyeen in ay jirto kala duwanaansho hiddeside oo ugu filan afar kooxood in loo tixgeliyo noocyo kala duwan.

    Cilmi-baadhayaashu waxay eegeen sifooyinka dabiiciga ah ee Afrika oo dhan sida saxaraha, webiyada iyo dooxooyinka kuwaas oo kala saari kara xayawaanka waagii hore, taas oo macnaheedu yahay inay si gooni ah u kala duwan yihiin midba midka kale.

    Geriga Koonfureed Gerigani wuxuu ku nool yahay Koonfur Afrika, Angola, koonfurta Botswana, Namibia, koonfurta Zimbabwe, Zambia, iyo koonfur-galbeed ee Mozambique.

    Xigashada Sawirka, Michael Brown

    Qoraalka sawirka, Geriga Koonfureed Gerigani wuxuu ku nool yahay Koonfur Afrika, Angola, koonfurta Botswana, Namibia, koonfurta Zimbabwe, Zambia, iyo koonfur-galbeed ee Mozambique.
    Geriga Caarcaaran

    Xigashada Sawirka, Michael Brown

    Qoraalka sawirka, Geriga Caarcaaran Gerigani waxa uu ku nool yahay saraha bannaan iyo dhul-daaqsimeedka kaynta ah ee Kenya, Soomaaliya, iyo Itoobiya.
    Geriga Waqooyi Xayawaankan ayaa ku nool galbeedka Itoobiya, bartamaha iyo galbeedka Kenya, bariga Koonfurta Suudaan iyo Uganda.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Geriga Waqooyi Xayawaankan ayaa ku nool galbeedka Itoobiya, bartamaha iyo galbeedka Kenya, bariga Koonfurta Suudaan iyo Uganda.
    Nooca afraad iyo kan ugu dambeeya waa geriga quruxda badan ee Masai, oo leh maqaar caleeneed oo gaar ah. Waxaa laga helaa Kenya, Tanzania iyo Uganda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nooca afraad iyo kan ugu dambeeya waa geriga quruxda badan ee Masai, oo leh maqaar caleeneed oo gaar ah. Waxaa laga helaa Kenya, Tanzania iyo Uganda