Dawladda Qadar ayaa maanta ku dhawaaqday geerida Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, Amiirkii hore ee dalkaas ahna aabbaha Amiirka hadda xukuma, isagoo da'diisu ay ahayd 74 sano.
Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani wuxuu ku dhashay bishii Janaayo 1952 magaalada Dooxa, wuxuuna ku biiray Akadeemiyada Ciidanka ee "Sandhurst" ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka qalin-jabiyay sannadkii 1971.Kaddib markii uu dalkiisa ku laabtay, wuxuu ku biiray Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna ka gaadhay darajooyin ciidan ilaa heerka Sarreeye Guud.
Weerarrada cirka ee Maraykanka iyo Iiraan oo sii xoogaystay
Weerarrada cirka ee ay is weydaarsanayaan Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale sii xoogaystay iyada oo Ilaalada Kacaanka ay bayaan ay soo saareen ku sheegtay in ay beegsadeen isla markaana ay joojiyeen markab kale oo marayay Marinka Hormuz, taasoo jawaab u ah weerarrada Mareykanka uu u geystay magaalooyinka ku yaalla koonfurta Iiraan.
Bayaanka ayaa lagu daray in "wajiga labaad ee aargudashada, gantaalaha ballistic-ga lagu beegsaday saldhigga cirka ee Mareykanka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha dagaalka iyo xaruntii taliska iyo xakamaynta."
Xigashada Sawirka, TSGT Scott Reed, USAF
Iiraan oo sheegtay in ay weerartay saldhigga cirka Maraykanka ee Qadar
Ku simaha Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay beegsadeen islamarkaana ay joojiyeen markab labaad oo marayay Marinka Hormuz, taasi oo jawaab u ah weerarrada Mareykanku uu u geystay magaalooyinka ku yaalla koonfurta Iiraan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in "wajiga labaad ee is-difaaca iyo aargudashada, gantaalaha ballistic-ga lagu la beegsaday saldhigga cirka ee Mareykanka ku leeyahay Al Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii dayactirka diyaaradaha dagaalka iyo xaruntii taliska iyo xakamaynta ee saldhiggaas."
DHAMMAAD
Argentina ayaa iska xaadirisay wareegga afar dhammaadka ee Koobka Adduunka, kaddib markii ay saddex gool iyo hal kaga adkaadeen xulka Switzerland. Argentina ayaa la cayaari doonta Ingiriiska.
GOOOOOOL - Argentina 3-1 Switzerland
GOOL - Argentina 2-1 Switzerland
Argentina ayaa gool qurux badan ka dhalisay Switzerland, xiilli ay gagabo tahay ciyaarta hadda dhex maraysa ee wareegga siddeed dhammaadka
Julian Alvarez ayaa kubadda uu ku xakameeyay cagtiisa midig, isagoo u jiro qiyaastii 25 tallaabo, waxaana uu si xoog badan ugu laaday dhinaca goolka oo ay ka gashay qaybta sare. Waa gool ay si weyn ugu baahnaayeen si ay isaga xaadiriyaan wareegga afar dhammaadka ee Koobka Adduunka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Siidhiga dingiinta oo laga maqlay waddamo ka tirsan khaliijka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxreyn ayaa ka codsatay muwaadiniinteeda iyo dadka deggan dalkaasi in ay is dajiyaan oo ay aadaan goobta ugu dhow ee ammaan ah, iyadoo islamarkaana ay dalkaas ka dhex yeedhayaan sii yeeriska digniinta ee weerarka cirka.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ee Imaaraadka ayaa sheegaysa in difaaca cirka ee dalkaas uu la tacaalayo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, iyada oo dhawaaqa laga maqlayo deegaanno kala duwan oo Imaaraadka ka tirsan.
Iiraan oo ku hanjabtay "inaysan u hoggaansami doonin heshiisyada ay la gashay Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan ayaa
ku dhawaaqday inaysan u hoggaansami doonin heshiisyada ay la gashay Mareykanka
"ilaa iyo inta Maraykanku sii wado xadgudubyada" heshiiska
loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.
Telefishanka
dowladda Iiraan oo soo xiganayey safiirka dalka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay,
Amir Saeed Irvani, kaas oo sheegay in Tehran aysan isku arki doonin inay ku dheganaadaan ballanqaadka ku xusan heshiiska is-afgaradka ee ay Islamabad
la gashay Washington inta ay sii waddo jebinta waajibaadkeeda ku xusan heshiiskaas.
Irvani wuxuu
ku eedeeyay Mareykanka "inay sii wadaan weerarrada milatari ee baaxadda
leh ee lagu bartilmaameedsanayo madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee
Iiraan."
Wakaaladda
Wararka ee Fars ayaa soo xigatay ilo Iiraaniyiin ah oo sheegaya in wax
wadahadallo ah aysan dhici doonin ilaa Mareykanku uu ka laabto mowqifkiisa
hadda, isagoo tixraacaya is-afgaran waaga u dhexeeya Tehran iyo Washington ka
hor wadahadallada la filayo.
Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabbas Caraqchi ayaa ku qoray bogga X in "in Iiraan
ay ilaa hadda ku adkaysatay moowqifkeeda," isagoo ku nuuxnuuxsaday in
"habka kaliya ee loo mari karo xalka uu yahay in labada dhinacba ay si
wadajir ah ugu hoggaansamaan ballanqaadyadooda."
Weriyaal tabiyay xog ku saabsan diyaaradda madaxweynaha Maraykanka oo laga dalbaday cadeyn ama in ay maxkamad la geeyo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay amar ah in cadeymo keenaan ama maxkamadeed ka soo muuqan doonaan dhowr wariye oo ka tirsan majaladda New York Times.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii warbixin la daabacay ay sheegtay walaac dhanka amaanka ah oo ku xeeran diyaaradan cusub ee Air Force One.
Wargeyska New York Times ayaa todobaadkan qoray in diyaaradan oo Qatar ay hadiyad ahaan u siisay Donald Trump uusan ku xirneyn qalab casri ah oo ay ku jiraan qalabka difaaca gantaalada, taasoo ka duwan diyaaradihii hore.
Wargeysku waxa kale oo uu qoray in sirdoonka Maraykanku ay codsadeen in diyaarad kale loo adeegsado qayb ka mid ah safarka Donald Trump ee shirka NATO ee Ankara sababo dhinaca ammaanka ah.
Naadiga Saxaafadda Qaranka Mareykanka ayaa ku tilmaamay soo saarista dalabkaan mid ah "Weerar aan horay loo arag oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda."
Suurtagalnimada in wafdi ka socda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo J.D. Vance, ay u safraan dalka Cumaan oo jirta
Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araqchi uu booqasho ku tagay Cumaan, wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Steve Whitaker, iyo wiilka Donald Trump soddogga u yahay Jared Kushner ayaa la filayaa inay wadahadallada ka sii wadaan Cumaan Sabtida.
Faahfaahin dheeraad ah lama soo saarin.
Farriin ka timid Mojtaba Khamenei oo lagu xusay in 'dhiigga aabihii' loo aargudi doono
Xigashada Sawirka, Getty Images
Farriin qoraal ah oo loo tiiriyay Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayuu ku sheegay in "aargoosi" loo baahan yahay in loo sameeyo aabihiis, kaasoo lagu dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka weerarrada Israa'iil iyo Mareykanka.
Farriinta, oo loo soo saaray si loogu mahadceliyo dadkii ka soo qayb galay aaska Cali Khamenei, ayaa lagu yiri: "Waxaan ballan qaadaynaa inaan u aargudno dhiiggaaga saafiga ah iyo kan dhammaan shuhadadii labada dagaal ee ay sababeen gacan ku dhiiglayaasha dambiilayaasha ah iyo kuwa aan sharafta lahayn. Aargoosigan waa rabitaanka qarankeenna waana in si hubaal ah loo fuliyaa."
Mojtaba Khamenei, oo xilka qabtay aabihiis dilkiisa ka dib, weli ma uusan ka soo muuqan fagaare, oo ay ku jirto aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ma uusan bixin farriin muuqaal ama cod ah, waxaana la daabacay oo keliya farriimo qoran oo magaciisa lagu saxiixay.
Fariintii ugu dambeysay ee loo tiriyay ayuu yiri, "Dambiilayaashan, oo magacyadooda laga la tixay kor ilaa hoos, waxay la gali doonaan qabriyadooda jacaylkoodii ahaa geeri nabadeed oo ku haleesha sariirahooda.
Waa inay ogaadaan in arrintani aysan ku xirnayn aniga ama mas'uuliyiin kale midoodna. Haddaynu joogno iyo haddii kaleba, arrintan waa la samayn doonaa, dhawaanna shakhsiyaad naga madaxbanaan oo adduunka oo dhan kala jooga ayaa mid walba gooni u fulin doonaa qayb ka mid ah hawshan rabbaaniga ah."
Dowladda Mareykanka ayaa sii daysay qaybtii afraad ee diiwaannada ku saabsan maqluuqaadka aa la aqoonsanayn ee (UAPs), taasoo calaamad u ah tallaabadii ugu dambeysay ee dadaal lagu doonayo in qarsoodiga looga saaro faylalka dowladda ee UFO-ga.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in faylalka muddada dheer la qarinayay ay taariikh ahaan sii kordhiyeen "male-awaal dheeraad ah," isagoo sheegay in dadka Mareykanka ay xaq u leeyihiin inay iyagu arkaan macluumaadka.
Nin diyaarad hawada ku jirta daaqadeeda madax kala baxay iyo go'aanka diyaaraddu qaadatay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaarad ka duushay Thessaloniki oo Giriigga ah kuna socotay Memmingen oo Jarmalka ah ayaa loo fidiyay daryeel caafimaad kadib markii daaqad ka mid ah kuwa diyaaradaha ay furantay intii ay hawada ku jirtay.
Wararku waxay sheegayaan in ninkaasi oo 61 jir ah kana soo jeeda Serbia uu qayb ahaan madaxa kala baxay daaqadda furantay ka hor inta aysan diyaaradda, oo ay maamulaysay Malta Air, aysan , si nabad ah u degin.
Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain ayaa dilay 12 qof, oo ay ku jiraan afar muwaadin Ingiriis ah, halka 23 qof la sheegay in la la'yahay.
Dabkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa abid ee lagu arko Spain.
Boqolaal dab-damis ah iyo khabiiro kale ayaa la geeyay magaalada Bidar ee koonfur-bari Spain si ay isugu dayaan inay xakameeyaan dabka ka kacaya kaymaha.
Mas'uuliyiinta aagga Los Gallardos ee gobolka Almeria ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay kordhi karto.
Spain waxay sii waddaa inay la kulanto heerkul aad u sarreeya, iyadoo gaartay heerkul gaaraya 40 darajo Celsius, taasina waxay keentay in dab-damis laga soo sheego meelo kala duwan oo ku yaal koonfurta Yurub, gaar ahaan Faransiiska, Portugal iyo Spain.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin looga shakisanaa dilka xildhibaan hore oo British ah oo la sii daayay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliska Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in nin 26 jir ah oo loo xiray tuhun ah inuu dilay xildhibaan hore Anne Widdicombe la sii daayay, isla markaana aan hadda lagu hayn baaritaan booliis.
Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in ninku uu ahaa muwaadin cadaan ah oo u dhashay Britain oo Jimcihii lagu xiray Devon.
Meydka wasiirkii hore ee dowladda Conservative-ka iyo afhayeenka xisbiga dib-u-habaynta Ingiriiska oo 78 jir ah ayaa laga helay gurigeeda subaxnimadii Khamiista, waqtiga UK, iyadoo qabta dhaawacyo halis ah.
War deg deg ah, Iran oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay weerarradii ugu dambeyay ee Mareykanka
Madaxa Xarunta Warfaafinta ee
Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa sheegay in kadib weerarradii dhowaan ay
Mareykanku ka geysteen lix magaalo ay ku dhinteen “17 qof”, oo ay ku jirto
haweeney.
Hossein Kermanpour ayaa sheegay in
weerarradii Mareykanka ee dhacay 8-da iyo 9-ka Luulyo ay sidoo kale ku
dhaawacmeen 115 qof.
Sida uu sheegay, qaar ka mid ah
dadka dhaawacmay ayaa laga saaray isbitaallada kaddib markii la siiyay daaweyn
caafimaad.
Kadib markii Mareykanku
bartilmaameedsaday saddex markab oo ku sugnaa Marin-biyoodka Hormuz, wuxuu
weerarro ka fuliyay Bandar Abbas, Qeshm, Sirik, Chabahar iyo Bushehr.
War deg deg ah, Iran iyo Cummaan oo ka wadahadlaya xaalada Marinka Hormuz
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo,
booqashadan waxay qayb ka tahay wadatashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya
Iran iyo Cumaan, kuwaas oo looga hadlay arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan
xaaladda marin-biyoodka Hormuz.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee
Iran iyo Cumaan ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan “dejinta habab ku habboon
oo lagu xaqiijinayo marinka ammaankiisa ee maraakiibta dhex marta
Marin-biyoodka Hormuz, iyadoo lagu salaynayo Qodobka 5-aad ee Is-afgaradkii
Islamabad,” isla markaana ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan arrimahaas.
Booqashadan waxay ku soo
beegmaysaa xilli xiisadaha ka taagan Marin-biyoodka Hormuz ay kordheen
maalmihii la soo dhaafay, kaddib weerarro is-daba-joog ah oo ay isku qaadeen
Mareykanka iyo Iran.
Dhanka kale, wafdi ka socda Qadar
oo wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu bilaabo
wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, isla markaana lagu yareeyo
xiisadda labada dhinac, ayaa u safray Iran.
War deg deg ah, Qiimaha shidaalka Mareykanka oo kor u kac weyn ku yimid iyo Trump oo wajahaya culeys
Xigashada Sawirka, Photo by Kevin Dietsch/Getty Images
Reuters ayaa soo warisay in
qiimaha shidaalka ee Mareykanka uu mar kale kor u kacay kadib dhowr toddobaad
oo uu hoos u sii dhacayay, iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay
mar kale sii xoogeysatay, isla markaana qiimaha saliidda uu kacay.
Sida laga soo xigtay xogta Ururka
Baabuurta Mareykanka (AAA), celceliska qiimaha shidaalka ayaa toddobaadkan kor
u kacay lix senti, isagoo gaaray $3.88 halkii liitar, taasoo ah kororkii ugu
weynaa ee toddobaadle ah tan iyo bartamihii bishii May.
Weeraradii lagu qaaday dhowr
booyadood oo shidaal qaada oo marayay Marin-biyoodka Hormuz iyo is-weydaarsiga
weerarrada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa sababay in qiimaha saliidda
Brent uu ku socdo koror toddobaadle ah oo ku dhow 5.5%. Gaadiidka shidaalka ee
mara Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli aad uga hooseeya heerarkii ka hor intii
uusan khilaafku bilaaban.
Kororka qiimaha shidaalka xilli
bartamaha xagaaga ay dadku safarro badan sameeyaan ayaa noqday arrin
siyaasadeed oo saameyn ku leh Donald Trump. Wuxuu ku eedeeyay shirkadaha
shidaalka inay si xad-dhaaf ah u iibinayaan, halka dowladdiisuna ay ku baaqday
in arrintaas baaritaan lagu sameeyo.
War deg deg ah, Iran oo si adag uga hortimid war gordhowed uu Trump shaaciyay
Xigashada Sawirka, isna
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Tehran aysan wax codsi ah u dirin
Mareykanka oo ku saabsan wadahadallo, balse ay aqbashay codsi uga yimid
dhexdhexaadiye goboleed oo doonayay inuu soo booqdo Iran si looga wada hadlo
xaaladdii ugu dambeysay.
Wareysi laga sii daayay
telefishinka, Mr. Baghaei wuxuu yiri:
“Annagu ma aanan codsan wax
wadahadal ah oo aan la galno Mareykanka, laakiin iyadoo la raacayo habka
mas’uuliyadda leh ee aan mar walba qaadanno, ma aanan diidin codsiga mid ka mid
ah dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ahaa inuu u soo safro Iran oo uu kala hadlo
xaaladda ugu dambeysay. Safarkan wuxuu ka dhacay Mashhad, waxaana dhinaca Qadar
u gudbinnay aragtiyadeenna iyo mowqifyadeenna.”
Isagoo xusay in ay kaliya 21 ama
22 maalmood ka soo wareegeen markii la saxiixay is-afgaradka (MoU), ayuu yiri:
“Mareykanku muddadan gudaheeda
wuxuu si joogto ah u jebiyey qodobo kala duwan.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda ayaa sidoo kale ku daray:
“Dhacdooyinka Arbacadii iyo
Khamiistii waxay ahaayen xadgudub cad oo ka dhan ah qodobada koowaad iyo labaad
ee heshiiskan, halka ka noqoshada ruqsadda shidaalka Iran ay si weyn u jebisay
mid ka mid ah qodobbadii kale ee heshiiska.”
Sida uu sheegay, cunaqabateynta
cusub ee Mareykanka uu soo rogay waxay ka hor imaanayaan qodobka sagaalaad ee
heshiiska is-afgaradka.
War deg deg ah, Sawirrada qabriga Ayyatullah Cali Khamenei oo la baahiyay
Xigashada Sawirka, x/FarsNews_Agency
Warbaahinta Iran ayaa daabacday
sawirro iyo muuqaallo laga qaaday qabriga hoggaamiyihii hore ee ugu sarreeyay
Iran, Cali Khamenei. Cali Khamenei iyo afar xubnood oo kale oo qoyskiisa ka
tirsan ayaa lagu aasay goobta barakeysan ee Reza ee magaalada Mashhad.
Cali Khamenei ayaa la sheegay inuu
ku dhintay 28-ka Febraayo, saacadihii hore ee subaxnimo, kadib weerarro cirka
ah oo ay Iran ku qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo lagu
bartilmaameedsaday dhisme uu deganaa.
Waxaa la sheegay in lala aasay
afar xubnood oo kale oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaas oo kala ah:
Bushra Khamenei, gabadhiisa;
Zahra Mohammadi Golpaygani, gabar uu awoowe u yahay;