Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sidoo kale mar sii horreysay sheegay in ay duqeeyeen 80 bartilmaameed oo lala xiriirinayo kooxda hubeysan ee Iran ay taageerto ee Xisbullah ayna dileen “tobaneeyo”.
Kulanka Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu shir
guddoominayay madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in ‘’ Puntland aysan
qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis
dhammaan qodobadda ay isku hayaan Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka
Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaanka loo marayo dhismaha Ciidan
Qaran oo heer Federaal ah’’
Waxaa ay fareen ciidamadooda ammaanka in aysan deegaanada ‘’Puntland
ku sugnaan karin isaga gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsanayn
ciidamada Puntland.
Dowlada Federaalka ayaa horay u sheegtay in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay ku sugan yihiin deegaanada Puntland.
War deg deg ah, Lubnaan oo duqaymuhu ku socdaan iyo Israaiil sii haysanaysa deegaanada Koonfureed
War deg deg ah, Afghanistan oo laga mamnuucay shaqada in lala tago taleefoonada Smartphone-ka
Shaqaalaha dowladda ee Afghanistan ayaa u sheegay BBC in aan
hadda kadib loo oggolayn inay shaqada la tagaan taleefoonada casriga ee Smartphones-ka,
kadib xukun laga soo saaray oo dhaqan galay oo laga mamnuucayay inay
isticmaalaan shaqaalaha dowladda iyo milatariga.
Qaar ayaa sheegay in lagu amray in aysan gurigoodu ku
isticmaalin taleefonka.
Sarkaal Daalibaan ka tirsan ayaa sheegay ujeedadu inay tahay
xaqiijitaan shaqaalaha inay shaqadooda ku mashquulaan oo aysan ku mashquulin isticmaalka
taleefonka. Laakiin qaar kamid ah korjoogta ayaa rumaysan inay ka walaacsan
yihiin dusinta dukumintiyo muhiim ah.
Warbixino ayaa sheegaya in codka hal farriin, xubin ka
tirsan Daalibaan uu u sheegay shaqaalaha rayidka la gaynayo maxkamadaha
milatari; (iyo in mamnuucitaanka ay ka dhaqan galayo gurigooda).
War deg deg ah, Qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo garoonka diyaaradaha ugu weyn Niger
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani
Waxaa is-rasaasayn iyo qaraxyo laga maqlayaa garoonka
diyaaradaha ugu weyn ee Niger, Niamey. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in aagga ay
xireen ciidamada ammaanka.
Toogashada ayaa bilaabatay subaxnimadii hore iyada oo
socotay dhowr saac.
Wararku waxa ay sheegayaan in kooxdii weerarka soo qaaday laga
hortagay.
Dadka deegaanka ayaa rumaysan kooxda mucaaradka ee weerarka
soo qaaday ay isku dayayeen inay la wareegaan garoonka diyaaradaha.
Koox xiriir la leh IS ayaa sheegatay masuuliyada weerar lagu
qaaday xaruna bishii Janaayo.
Niger iyo dalalka dariska la ah ee Mali iyo Burkino Faso
ayaa la dhibtoonayay inay ka awood roonaadaan weerarada uga imaanaya kooxaha
jihaad doonka.
War deg deg ah, Muxuu Netenyahu ka yiri heshiiska nabadda?
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Benjamin Netenyahu
Benjamin Netenyahu weli si shaacsan uma hadlin tan iyo intii
Maraykanka iyo Iiraan ay u saxiixeen is-afgaradka lagu joojinayo dagaalka habeenkii
xalay.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa u muuqda inuu iska
fogaynayo heshiiska, isaga oo u sheegay taleefishinka Israa’iil Isniintii in
Trump uu hoggaaminayo wadaxaajoodka.
‘’Anigu waan ka qeexay aragtidayda wadahadalo kala duwan,’’
Netanyahu ayaa ku yiri faalo ay tabisay Fox News. ‘’Sidaan sheegay, Inta badan
waynu is-waafaqnaa, inta badana isma waafaqno. Taasina waxa ay u dhacdaa sida u
wanaagsan qoyska.’’
Israa’iil si toos ah uguma lug lahayn wadahadalada nabadda,
laakiin Trump ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo Arbacadii ah kahor saxiixa uu u
diray nuqulka la min guuriyay ee kama dambaysta qoraalka.
Waxaynu goor sii horaysay tabinay wadahadalada qeexan ay ka
dhex socdaan Maraykanka iyo Israa’iil oo ay ku jirto Lubnaan, inkasta oo
is-afgaradka uu sheegayo howlgalada militari ay joogsan karaan
IGAD oo si adag u cambaareysay safaaradii ay Somaliland ka furatay Qudus
Urur-Goboleedka
Afrika ee IGAD waxay mar kale muujisay taageeradeeda Soomaaliya, kadib
war-saxaafadeed ay soo saareen.
“IGAD waxay mar kale xaqiijineysaa madaxbannaanida,
midnimada, dhammaanshaha dhulka, iyo xorriyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan Heshiiska IGAD, Sharciga dhismaha ee
Midowga Afrika, iyo Cahdiga Qaramada Midoobay”, ayaa lagu yiri qoraalka.
“Sidaa darteed,
IGAD waxay tixgelisay warbixinnada ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland
ka furatay Qudus, waxayna mar kale ku celinaysaa mowqifkeeda soo jireenka ah ee
ah in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo dhammaanshaha dhulka Soomaaliya”,
ayaa intaas la raaciyay.
Waxay dhanka
kale walaac ka muujisay fal kasta oo ay sheegtay oo meel ka dhac ku ah
madaxbanaanida, midnimada iyo dhulka Soomaaliya, iyadoo dhanka Kalena sheegtay
inay tallaabooyinkan kicin karaan xisadaha isla markaana ay wiiqayaan nabadda,
xasiloonida iyo iskaashiga gobolka.
“Xoghayntu
waxay walaac ka muujinaysaa fal kasta ama hindise kasta oo meel ka dhac ku ah
madaxbannaanida, midnimada, iyo dhammaanshaha dhulka ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya” ayay tiri.
Madaxweynaha Kenya oo Arsenal ku casuumay dalkiisa
Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, .
Madaxweyne
William Ruto ayaa dalkiisa ku casuumay kooxda Arsenal ee ku guuleysatay horyaalka
Ingiriiska ee Premier League muddo 20 sano kadib.
Madaxweynaha
ayaa sheegay inuu la yaabay baaxadda dabaaldegyada lagu qabtay magaalada
Nairobi ee caasimadda dalka, kadib markii kooxdu ku guuleysatay horyaalka.
Kumanaan qof
oo Kenyaan ah oo taageera Arsenal ayaa sameeyay isu soo bax ballaaran oo ay ku
miijinayaan taageeradooda.
Madaxweynaha
oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters intii lagu jiray shirkii G7 ee
Faransiiska, ayaa xusay in xiisaha taageerayaasha Kenya uu ku horseeday
suurtagalnimada inuu kooxda Waqooyiga London keeno dalka sanadka soo socda.
Madaxweynaha
Kenya, William Ruto ayaa ah taageero weyn oo kooxda Arsenal ah
Sir ay Israa'iil qarinaysay 50 sano oo uu hadda banaanka u soo saaray dagaalkii Qasa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Ma ku saxsan yihiin Masaaridu inay u baqaan Siinaay, marka la eego mushkiladda haysata Falastiiniyiinta ee la xiriirta weerarrada ay Israa’il ka waddo marinkak Qasa ee ay deriska yihiin? Dukumntiga Ingiriiska ayaa jawaabta haya.
Dukumentiga, oo uu arkay wariye BBC ka tiran wuxuu daaha ka rogayaa in Israa’iil ay samaysay qorshe ay Falastiiniyiinta Qasa ugu dhoofinayso waqooyiga Siinaay 52 sano ka hor.
Ka dib markii askarta Israa’iil ay galeen Qasa, daanta galbeed, bariga Quddus, iyo buuraleyda Suuriya ee Golan Heights dagaalkii Juun 1967kii, marinku wuxuu israa’iil ku noqday meesha ay kala kulanto dhibaatada ugu weyn ee dhinaca amniga.
Xeryaha qaxootiga ee buux dhaafay waxay noqdeen halka ay ka samaysanto iska caabbinta askarta Israa’iil, duullaankana looga soo qaado ciidanaka soo galay iyo kuwa la shaqeeya.
Sida ay sheegayaan qiyaasaha uu ingiriisku sameeey, markii Israa’iil ay galaysay Gaza waxaa marinkaas ku sugna ilaa 200,000 oo qaxooti ah oo ka kala yimid deegaannada kale ee Falastiiniyiinta, waxaana caawinayey hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA, waxaana intaa dheeraa 150,000 oo Falatiiniyiin ah oo degganaa marinka.
Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, waxaana lagu wadaa in dib loogu furo marinka Hormuz.
Dhanka kale Iiraan ayaa ogolaatay in aysan samaysan ama soo iibsan hubka Nukliyeerka, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay la tacaalaan uranium-ka la tanaadiyey ee Tehran ay horey u heysatay.
Habka loo maareynayo maadooyinkaas ma cadda. Dukumeentigu wuxuu xusayaa in habka "lagu heshiin doono si labada dhinacba u cuntanta" wadahadalada xiga, waxaana dusha ka ilaalin doonta Hay'adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.
Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa arrintan ku tilmaamay "halbeegga ugu yar" iyo "guul weyn" oo u soo hoyatay Maraykanka.
Trump ayaa sheegay in ka hortagista Iiraan in ay haysato hubka Nukliyeerka ay tahay "99%" waxa uu rabo markii uu bilaabayey howlgalka Epic Fury horaantii sanadkan.
Maadaama uu Maraykanku ku tilmaamay heshiiska mid ku salaysan waxqabad, qaadidda cunaqabataynta ee lagu qeexay qodobka 7 waxay ku xiran tahay Iiraan iyada oo raacaysa qodobka 8.
Dhiig-shubistu waa hannaan beddelay sidii la isku daawayn jiray wakhtiyadii hore. Marka uu qofku la kulmodhaawac culus, waxa lagu shubaa dhiig qof kale oo ay isku nooc yihiin si naftiisa loo badbaadiyo.
Laakiin waxaa jira dad aan ka faa'iideysan karin habkan. Dadka leh noocyada dhiigga ee naadirka ah waxay la kulmi karaan dhibaato weyn marka ay raadinayaan dhiig laga keenay qof kale oo noociisa ah.
Nooca dhiigga ee ugu naadirsan adduunyada waa kan lagu magacaabo Rh null —waxa lagu ogaaday in kaliya 50 ay dhiiggaasi leeyihiin.
Haddii dadkaas la dhaawaco ama u ay u baahdaan in dhiig loo shubo, fursadda ay ku heli karaan dhiigga loo baahan yahay waa mid aad u yar. Sidaas darteed, dadka leh noocan dhiigga ah waxaa lagu talinayaa in ay kaydiyaan dhiiggooda si ay mustaqbalka u isticmaali karaan.
Waxyaabaha ka dhigaya dhiiggan mid qiimo leh ma aha oo kaliya in uu dhif yahay. Qaybaha caafimaadka iyo cilmi-baadhistu waxay dhiiggan ugu yeedheen "dhiigga dahabka ah" sababta oo ah faa'iidooyinka badan ee laga heli karo
Waa kee dalka xiga ee aqoonsan kara Somaliland kadib Israa'iil?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Israa’iil
kadib, yaa xiga oo aqoonsan doona Somaliland? Waa su’aal ay warbaahinta i24
weydiisay madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee
Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) la weydiiyay xili wareysi
gaar ah uu bixinayay.
Madaxweynaha
ayaa ku jawaabay inay jiraan dalal badan oo liiska ku jira balse uusan dooneyn
inuu haatan shaaciyo dalalkaas, sababo jira awgood.
Ilaa goorma
ayay aqoonsan karaan Somaliland? ayaa la weydiiyay madaxweynuhu.
“Dhawaan
ayay noqon kartaa”, ayuu ku jawaabay madaxweyne Cirro.
Dhanka kale,
waxaa madaxweyne Cirro wax laga weydiiyay inuu xiriir la leeyahay madaxweynaha Mareykanka iyo dowladda
Mareykanka markay timaado aqoonsi, waxaana uu sheegay in ay jiraan xiriiro ay
la sameeyaan iyagoo u mara wadooyin diblumaasiyadeed.
Wadamada
kale ee gobolka sida Itoobiya, Kenya iyo Imaaradka ayaa wax laga weydiiyay,
wuxuuna ku jawaabay inay iyaguna la sameeyaan xiriiro diblumaasiyadeed.
Itoobbiya ayaa muddo dheer xidhiidh la lahayd Somaliland, kaas uu koobnaa dhanka iskaashiyada amni iyo ganacsiga, marnaba ma gaadhsiisnayn heer aqoonsi rasmi ah, inkasta oo labada dhinacba qunsuliyado ku kala leeyihiin Hargeysa iyo Addisababa.
Mudnaan ma siinayaan Somaliland? aya la weydiiyay
"Haa, way u yihiin, waxaanan iyagana la leenahayxiriir oo furan", ayuu yiri madaxweynuhu..
Bishii January ee 2024 horraanteedii ayay ahayd markii soo heshiiskii isafgarad ee dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo raysalwasaaraha Itoiobbiya Abiy Axmed, kaas oo dhinacyadu sheegeen in qorshuhu yahay gaadhitaanka Itoobbiya ee badda oo Somaliland fudaydinayso iyo Itoobbiya oo dhankeeda iyana aqoonsanaysa Somaliland.
Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda F-16
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, F-16
Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.
Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.
Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.
Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.
ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.
Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.
Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.
'Somaliland waxay ogolaatay 3 shuruudood oo ay Israa'iil aqoonsi uga beddelatay' - Xassan Sheekh
Xigashada Sawirka, getty
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Aljasiira ayaa ka warbixiyey heshiiska dhex maray Soomaaliland iyo Israaiil, kaas oo ay Israa'iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax bannaan Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go'aanka dalkiisa ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, isaga oo hore usoo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxayay, isagoo sheegay in Somaliland ay ogolaatay saddex shuruudood oo ay Israa'iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay "ku beddelatay aqoonsi" ay ka hesho Israa'iil iyo xulufadeeda.
"Xogta hoose ee aan hayno waxa ay sheegeysaa sadex qodob oo muuhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka kowaad waa in Falastiniiyiinta loo soo raro Somaaliland, laba - in Israa'iil saldhig militari ka sameysto gacanka cadmeed, qorshaha sadexaadna waa in Somaaliland qeyb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham, kuwani waa sadexda dalab ee Israa'iil ee Somaliland aqbshay" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TVga Al Jazeera.
Waxa uu intaas ku daray haddii ay dhaqan galaan qodobadaan in ay noqonayaan "halis amni oo caalamka kaga imaan doontaa geeska".
Haddii sadexdaas qodob dhaqan galaan Somaaliya waxa ay ku furi doonaan irid dhibaato oo hor leh, waxa ayna horseedi doonaan xasillooni darro", ayuu yiri Madaxweynaha.
Muran ayaa
ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa kadib markii dadka ay wadaniyadda
madax martay ee Israa’iil ay ka soo horjeesteen xeerar horey uga jiray
masjidka.
Dadkan ayaa
doonaya inay macbad weyn oo yuhuuduu leedahay ka dhisaan masjidka oo 1400 oo
sano oo la soo dhaafay ay ku cibaadeysanayeen dadka Muslimiinta ah.
Muslimiinta
waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan
Macbad.
Wuxuu
masjidku gaar u yahay dadka muslimiinta ah, balse taasi ayay doonayaan inay wax
ka bedelaan, oo hadii ay dhacdo lagu soo warramayo, inay dhalin karto dagaal
diimeed oo ka qarxa gobolka oo dhan.
Dadka aan
Muslimiinta ahayn waa loo ogol yahay inay booqdaan al-Aqsa laakiin looma ogola
inay halkaas ku tukadaan ama ay sameeyaan cibaado diimeed.
Wargayska
Middle East Eye, ayaa ilo wareedyo badan u sheegeen in hay'ad cusub oo ay
samaysay dowladda Israa'iil ay dooneyso in masjidka al-Aqsa ku dhawaaqdo in
laga dhiagyo "goob diimeed badan".
Dalalka
khaliijka ayaa dhamaantood cambaareeyay markii uu soo baxay warkan halka dowladda
Ingiriiskana, ay ku baaqday in la ixtiraamo goobaha taariikha ah gaar ahaan masjidka
barakeysan ee Al-Aqsa.
Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa si isdaba joog ah u sheegay, in wax isbeddel ah uusan ku imaan xaaladda hadda jirta.
Waxaa
masjidka Al-Aqsa haatan gacanta ku haya oo maamula wasaaradda awqaafta iyo diinta ee dalka
Jordan.
Dadka Musliminta ah wuxuu Misaajidka Al-Aaqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta saddexaad ee barakeysan.
Masjidka Al-Aqsa wuxuu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Makah.
Ma dhab baa in Israa’iil ay saldhig ka furaneyso Somaliland?
Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, .
Warbixin uu wargeyska Maraykanka ee Bloomberg daabacay bishii
Maarso ee sanadkan, ayaa lagu sheegay in Israel ay wada-hadallo la yeelatay
Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kuwaas oo khuseeya
iskaashi amni, si gaar ah in saldhig ay ka helaan gobolkaas, ay suurtagalnimada
ka mid tahay.
Hadalkan
ayaa ahaa mid la hadal hayay.
Madaxweynaha
Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku jooga Israa’iil, ayaa wareysi gaar
ah siiyay warbaahinta i24, kuwaas oo weydiiyay waxa ka jira in Somaliland ay
saldhig siisay Israa’iil.
“Hadda ma
aha”, ayuu yiri madaxweynuhu.
Markii la
weydiiyay in mustaqbalka laga yaabo inay saldhigga furato Israa’iil, waxaa uu
yiri “hadda ma beenin karo, mana xaqiijin karo taas”.
Waxaa arrntan
sidoo kale horey u beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland
Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo BBC-du horaantii sanadkan wareysi gaar ah la
yeelatay.
Wasiirka
ayaa sheegay in Somaliland iyo Israel ay leeyihiin xidhiidh ku dhisan aqoonsi
is-dhaafsi ah. Wuxuu yidhi "labada dal" si rasmi ah ayay isu
aqoonsadeen 'midba midka kale', taas oo u oggolaanaysa xidhiidh
diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse aysan ku jirin wax heshiisyo militari
ah.
Markii la
weydiiyay wararka sheegaya in Israel loo oggolaaday saldhig ciidan oo ku yaal
Somaliland, wasiir Cabdiraxmaan ayaa si cad u beeniyay.
Arrimaha muhiimka ah ee ku jira heshiiska ay saxiixeen Mareykanka iyo Iiraan
Donald Trump ayaa tan ka dhigay shuruuddiisa koowaad tan iyo bilowgii dagaalka bishii Febraayo. Waxay sidoo kale sheegeen in uranium-ka la kobciyey ee Iiraan “la khafiifin doono” isla gudaha dalka, iyadoo kormeer ay sameynayso Hay’adda Caalamiga ah ee atoomikada iyo Nukliyeerka ee .
Markii hore, Maraykanku wuxuu dalbanayay in gebi ahaanba dalka laga saaro, taasoo ah isbeddel cusub.
Arrinta dib u furista Marin-biyoodka Hormuz, saraakiishu waxay sheegeen in 60 maalmood aan wax lacag ah laga qaadi doonin maraakiibta maraysa.
Ka dib muddadaas, Iiraan iyo dalalka dariska ah ayaa ka wada xaajoon doona waxa dhici doona. Taasi waxay furaysaa suurtagalnimada in mustaqbalka lacago la saaro, halka markii hore dagaalka ka hor aysan wax lacag ah jirin.
Kadib waxaa jira muranka ku saabsan sanduuqa dib-u-dhiska ee $300 bilyan. Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamay “war been ah”, balse wuxuu ku jiraa dukumentiga.
Saraakiisha Maraykanku waxay ku adkaysteen in Maraykanku uusan bixin doonin “hal senti”, isla markaana uu ku xirnaan doono Iiraan “inay si wanaagsan u dhaqanto,” sida ay hadalka u dhigeen.
Heshiiskan ayaa la filayaa in si faahfaahsan loo baaro maalinba qodobkiisa. Su’aasha weyn ee taaganna waa: maxay dhab ahaan Maraykanku ka helay dagaalka uu la galay Iiraan?