Maamulayaasha dalka Koongada Dimuqaraadiga ayaa sheegay in
Soomaaliya iyo Kenya ay ciidamo u direen falaagada M23 ee ka dagaallanta
gobolka Sud Kivu ee bariga dalkaas si ay uga dhinac dagaallamaan fallaagada M23
ee, sida ay ku soo warrameyso qaybta warqabadka BBC-da ee (BBC monitoring).
Maamulaha dhulka la yiraahdo Fizi ee Sud Kivuu ayaa 5tii
Bishan sheegay in askar Soomaali iyo Kenyan ah ay ka dhinac dagaallamayeen
falagada M23 ee gobolka Hauts-Plateaux.
"Samy Kalonji Badibanga ayaa sheegay, in askartan ay
taageerayeen ciidamada Rwanda, maleeshiyaadka Twirwaneho, kuwa Red Tabara ee
Burundi, iyo M23 si ay ula dagaallamaan ciidamada dowladda.", sida lagu
yiri warbixinta.
"Waxay geysanayaan dhimasho, waxayna sababayeen barakac
ballaaran oo dadweyne oo ka dhacaya gobolka," ayuu yiri.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayaa horay Kenya ugu
eedeysay inay taageerto M23 iyo xulafadeeda, balse tani waa markii ugu
horreysay ee eedeyntan loo jeediyo Soomaaliya.
Ha yeeshee ilaa hadda uma suurta galin BBC Somali inay
si madax banaan u xaqiijiso eedeymahan.
Labada dal weli wax jawaab ah kama aysan bixin hadalladan,
hase yeeshee Kenya ayaa horay u beenisay inay ku lug leedahay colaadda.
Arrintan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ciidanka dowladda
iyo xulafadooda ay dhawaan horumar ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah M23 ee
gobollada waqooyi iyo koonfureed ee Kivu.
Lixdii bishii Luulyo, ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka
Wazalendo ee xulafada la ah, ayaa sheegay inay dib ula wareegeen saddex deegaan
oo kale oo ku dhow magaalada Minembwe ee Kivu-ga Koonfureed.
M23 waa koox hubeysan oo ka go'ay ciidamada Congo ku dhowaad 20 sano, kuwaasoo sheegta inay difaacayaan bulshada Tutsi oo muddo ka cabanaysay dilal iyo takoor.
Khubarrada QM ayaa sheegay, in kooxda ay taageero ka heysato dalka deriska la ah Congo ee Rwanda, taas oo dowladda Rwanda ay in badan beenisay.
Rwanda ayaa hore u sheegtay in dowladda DR Congo ay la shaqeyneysay qaar ka mid ah kuwa mas'uulka ka ah xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994 ee ka dhanka ahaa qowmiyadda Tutsi iyo Huutuuga.