You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iiraan oo qaadday weerarro dheeraad ah kaddib markii qaraxyo laga soo sheegay koonfurta Iiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay "inuusan ogeyn in Iiraan ay u qalanto in lala heshiiyo", malin kadib markii uu shaaciyay inay wadahadalladu "dhamaadeen"

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Wadaadka keniga adag ee reer Ciraaq oo ka qeyb galay aaska Khamanei

    Intii lagu guda jiray aaska Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, oo lagu qabtay magaalada Najaf, waxaa xafladda ka qayb galay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Shiicada.

    Muqtada al-Sadr, oo ah hoggaamiye Shiico ah oo caan iyo saameyn ku leh Ciraaq, ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii ka soo qaybgalay xafladda aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan, taas oo warbaahintu si weyn uga hadashay.

    Munaasabadda aaska ayuu ka qeyb galay inkasta oo sannadihii u dambeeyay uu Sadr uu marar badan qaatay mowqifyo ka duwan kuwa dowladda Iiraan.

    Inkasta oo uu khilaaf kala dhexeeyo Iiraan iyo kooxaha ay xulafada yihiin ee Ciraaq, hoggaamiyahan Shiicada ah ee saamaynta weyn ku leh Ciraaq ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay isugu yimaadaan Fagaaraha Tahrir ee Baqdaad, si ay u muujiyaan taageero ay u hayaan Iiraan, isla markaana ay uga soo horjeestaan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan dalkaas.

    Cammar Xakiim, hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xikmadda Qaranka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Shiicada ee ka qayb galay aaska Cali Khamenei ee Najaf.

    Markii Maraykanku qaaday duulaankii ay ku rideen Saddaam Xuseen 2003-dii, Ciraaq waxa ka bilaabmay fawdo dhiig ku daatay oo ilaa maantadan socoda. Dunida dad aad u tiro yar ayaa yaqaanay wadaadka da'da yar ee aan aqoonta badan lahayn ee Shiicada ah ee la yidhaa Muqtada Al-Sadr.

    Ku dhawaad 17 sano oo dhibaato taagnayd ka dib na, malaha waa qofka ugu caansan Ciraaq run ahaantiina ugu awoodda badan, waxaana isla markiiba lagu garan karaa wajigiisa cadhadu ka muuqato iyo dareenkiisa aan la fahmi karin.

    Maro ku dheg, hadallo kulul eraydaa iyo qaar kale ayaa lagu tilmaami karaan ninkan oo falalkiisa iyo mawqifyadiisuba ay mararka qaar dadka ka yaabiyaan oo is buriyaan.

    Waxaad sidoo kale ahrisan kartaa:

  2. Maxay tahay diyaaradda casriga ah ee F-35?

    Uma muuqato cadowga. Markii diyaarad F-35 ah ay ka qeyb galeyso tababar, waxay mar walba iska caabisaa diyaaradaha cadowga ku ah iyadoo ku dhaafeysa 20 iyo 1.

    Isla sidoo kale ayay sameyn doontaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka iyo Shiinaha, sababtoo ah waxaa loo sameeyay inay dhuuqdo amaba iska celiso tamarta raadaarka, sidaas darteed wadayaasha diyaaradaha cadowga ma arki karaa kahor inta aysan weerar ku qaadin.

    Waxaa intaas dheer, F-35 wuxuu leeyahay hannaan khiyaamaya amaba dhaafaya raadaarka diyaaradaha cadowga, cirka iyo dhulka.

    Raadaarrada ayaa meel fog shey ka aqoonsan kara, balse ma baadi goobi karaan amaba ma weerari karaan F-35.

    Sidoo kale, matoorka diyaaradda wuxuu awood u leeyahay inuu yareeyo kulka kahor inta gantaallada klka raadiya aysan weerarin.

    Wey ka weyn tahay keliya diyaarad dagaal. F-35 ma aha keliya diyaarad dagaal balse sidoo kale waa mid muddo jiri karta.

    Shaqooyinkeeda, waxaa ka mid ah inay awood u leedahay inay nadiifiso hawada diyaaradaha cadowga ee qalqalka gelin kara ciidamada Maryekanka.

    Xog-ururinteeda

    Balse taasi waa uun billow. Hannaanka xog-uruurinta ee F-35 ayaa xogta sirdoonka ka uruurin karta una qeybin karta meelo kala duwan.

    Awoodda ay u leedahay inay is hor taagto hannaanka diyaaradaha kale iyo qalabkeeda hawada ayaa diyaaraddan ka dhigaya mid ka sarreysa diyaaradaha kale ee dagaalka.

    Waxaa sii dheer wwoodda ay u leedahay in wadayaashu ay ku dejin karaan meel walba iyo qaab walba iyadoo awoodda inay qaaddo hubka nukliyeerka. mACLUUMAAD DHEERI AH SII AKHRISO

  3. War deg deg ah, Ruushka oo sii wada duqaymaha Ukraine

    Caasimadda Ukraine, ee Kyiv, ayaa mar kale la kulantay weerar gantaallo oo Ruushku qaaday. Qaraxyo isdaba joog ah ayaa la maqlay aroortii Arbacada.

    Weerarka ayaa dhacay xilli hoggaamiyeyaasha NATO ay ku kulmayeen Turkiga.

    Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay duqaymaha ay dhaliyeen dab ka kacay labo degmo, iyada oo korontadu ay ka go'day qaybo kamid ah magaalada.

  4. War deg deg ah, Macluumaad khaldan oo loo adeegsan jiray ammaanta hoggaamiyahan milatariga ah

    Qiic kasoo baxaya dhismo sida Beyoncé, kuna labisan dhar milatari, oo ay fuulayso baabuur gaashaaman. Kabtan Ibrahim Traoré, hogaamiyaha militariga Burkina Faso, ayaa sidoo kale ku jira muusikada muuqaalka, isaga oo xabad ridaya. "Ilaahay ha ku xafido Ibrahim Traoré dagaalka aad u galayso dadka, jebinta silsiladaha boqortooyada" ayaa ereyada heesta ka mid ah.

    Laakiin ma aha Beyoncé ama Ibrahim Traoré. Fiidiyowgu waa mid qoto dheer, nooc nuxurkiisa si xariifnimo leh loogu farsameeyay si uu ugu ekaado mid dhab ah.

    Boqolaal fiidiyow oo AI lagu soo saaray ayaa muujinaya Traoré inuu yahay geesi Afrikaan ah, oo badankoodu ay ku jiraan macluumaad been ah, kuwaasi oo qulqulaya baraha bulshada guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hooseeya tan iyo dhammaadkii bishii Abriil.

  5. War deg deg ah, Sidee shaqada habeenkii u saamaysaa caafimaadka maskaxda?

    Waqtiga habeenkii dad badan ayaa isu diyaarinaya inay seexdaan, shaqo cusub ayaa u bilaabata kuwa kale, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, saxafiyiin, shaqaalaha garoonka diyaaradaha, shaqaalaha warshadaha, shaqaalaha amniga, iyo kuwa kale oo ku shaqeeya xilliyada isbedelka shaqada.

    Qaar naga mid ah ayaa laga yaabaa inay isku arkaan ku khasbidda nafta inay shaqeeyaan waqtiyo kala duwan sababta oo ah dabeecadda shaqadeena. Natiijo ahaan, waxaa laga yaabaa inaan uga nugulnaano kuwa kale tiro dhibaatooyin caafimaad, nafsi, iyo mid maskaxeed, iyo sidoo kale dhibaatooyinka shakhsi ahaaneed, qoyskeena, iyo nolosha bulshada sababtoo ah jadwalka shaqada ee kala duwan.

    Tan iyo Kacaankii Warshadaha, qaybaha wax-soo-saarka iyo adeegyada waxay isticmaali jireen kala beddelka wakhtiyada shaqada si ay u kordhiyaan wax-soo-saarka iyo faa'iidada. Kahor 1990-meeyadii, wax yar ayaa laga ogaa saameynta wakhti wareejinta shaqada uu ku leeyahay caafimaadka shaqaalaha.

  6. War deg deg ah, Switzerland oo kaga adkaatay Colombia rigorayaal, wareega 8-da waxaa ku sugaysa Argentina

    Xulka Kubbada cagta Switzerland ayaa u gudbay wareega 8-da koox ee koobka adduunka, kadib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen ciyaar ka tirsanayd wareega 16-ka koox xulka dalka Colombia.

    Waxaa ay isaga hor imaan doonaan wareega 8-da koox ee koobka adduunka xulka uu hoggaaminayo Messi ee Argentina.

  7. War deg deg ah, Mareykanka oo duqeeyay Iran kadib Maraakiib lagu weeraray Hormuz

    Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay Talaadadii in weerar ‘’xooggan’’ lagu bartilmaameedsaday Iiraan, kadib markii la weeraray maraakiib ganacsi oo gooshayay marinka Hormuz.

    Sida ay sheegtay hay’adda howlgalada ganaci ee badda ee UK (UKMTO), maraakiibta ayaa waxyeello soo gaartay muddo 24 saacadood gudahood Isniintii iyo Talaadadii, balse wax dhaawac ah lama soo warin. Iran weli ma sheegan mas’uuliyad weerarradaas.

    Saraakiil Mareykan ah ayaa horay u sheegay in Iran ay wajihi doonto cawaaqib adag, iyagoo ku tilmaamay weerarrada “kuwa gebi ahaanba aan la aqbali karin.”

  8. War deg deg ah, Maraykanka oo talaabo qaaday kadib weerar ka dhacay Marinka Hormuz

    Waaxda Maaliyada Maraykanka ayaa baabi’isay laysankii sida kumeel gaarka uga qaadayay cunaqabataynada shidaalka Iiraan. Waxa ay daba socotay weeraro lagu qaaday saddex maraakiibta shidaalka qaada ee marinka Hormuz taasi oo lagu eedeeyay Iiraan.

    Sarkaal maaliyadeed ayaa talaabada ku tilmaamay ‘’mid aan la aqbali karin’’ ayna tahay inay ka dhalato ‘’cawaaqib’’, inkasta oo aan si gaar ah loo cayimin wax ba ka baxsan laalitaanka.

    Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka mid kamid ah maraakiibteeda lagu qaaday, sidaas oo kale Qadar Markab ay leedahay oo qaada Gaaska ay dab ka kacay kadib markii lala eegtay diyaarad drone ah.

    Iiraan weli kama falcelin laysanka Maraykanku la laabtay ( Waxaa horay la isugu waafaqay dib ugu furitaanka marinka Hormuz ee Maraakiibta ganacsi taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii nabadeed ee bishii aynu soo dhaafnay ay wada gaareen Maraykanka iyo Iiraan.)

  9. War deg deg ah, Hoggaamiyaha midigta Le Pen oo weli loo oggol yahay inay ka qayb gasho doorashada madaxtinimada Faransiiska

    Hoggaamiyaha adag ee midigta dalka Faransiiska Marine Le Pen ayaa sheegtay inay weli u tartami karo doorashada madaxweynaha ee sannadka soo socda, inkasta oo ay ku guul daraysanayso racfaankeedii ka dhanka ahaa argtida sida khaladka ah ee adeegsiga dhaqaalaha baarlamanka Yurub.

    Waxa ay sheegtay inay ka doodayso xukunka. Xukunka maanta ee Paris waxa uu ka qaaday mamnuucid hore oo saarnayd oo la xiriirta ee maamulida xafiis dadweyne. Laakiin xukunada maxkamada sare ee Faraniiska ee iyada ka dhanka ahaa waxaa sida ugu dhakhsaha badan looga baahanayaa inay xirato qalaba elektarooniga ee lagula soconayo, taasi oo olalaheeda ka dhigaya mid adag.

    Tani ayaa noqonaysa isku daygeedii Afaraad ee madaxweynanimada, waxaana la tilmaamayaa inay tahay fursadeedii ugu wanaagsanayd ee ay hesho.

  10. War deg deg ah, Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay weerar ay geysatay diyaarad drone ah

    Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaarada aan duuliya lahayn oo ka dhacday gobolka Waqooyiga Kordofan.

    Qareenada degdega ee kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay laba gaadiid lagu duqeeyay aag ay maamulaan ciidamada gurmadka degdega ee RSF.

    Labada gaari mid kamid ah ayaa waday marti ka qayb galaysay nikaax, halka gaariga kale uu waday biyo.

    Kooxdu kama hadlin cidda weerarka gaysatay. Duqaymaha ayaa yimid xilli QM ay ku baaqayso baaritaan degdeg ah oo la xiriira xadugubyo ka dhan ah dadka rayidka oo ka dhacay magaalada la qabsaday ee El-Obeid

  11. War deg deg ah, Ruushka oo cunaqabateen saarnayd laga qaaday

    Guddiga Caalamiga ee Olombikada ayaa cunaqateeyntii ay saareen Ruushka ka qaaday, iyaga oo u oggolaaday ciyaartooyda dalkaasi inay ka qayb galaan tartanka xaggaaga soo socda ee ka dhacay Los Angeles muddo laba sano gudahood ah.

    Cunaqabataynta ayaa lasoo rogay bishii Oktoobar ee sannadkii 2023, iyada oo IOC ay u u sababaysay nidaam dowli oo taageeraya daroogada ciyaartooyda laga helo iyo ku xadgudub nidaamkaOlombikada, kadib galitaankii Ukraine.

    IOC ayaa intaa ku dartay in midkoodna xubnaha guddiga olombikada ee Ruushka aysan haatan ka imaan xuduuda hoos imaanaysa maamulka Ukraine. Waxa uu guddigu sheegay in aysan go’aansan isticmaalka calanka iyo heesta qaranka. Ruushka ayaa soo dhoweeyay talaabadan, waxaana uu sheegay inay tahay in Olombikadu ay ka madax banaanaato siyaasadda.

  12. War deg deg ah, Soomaaliya oo cambaaraysay qaraxyada ka dhacay Dimishiq

    Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta bulshada ku cambaaraysay weerarada qaraxyada ee ka dhacay Dimishiq, ayna sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Suuriya.

    ‘’Waxa ay jamhuuriyada federaalka Soomaaliya sida ugu adag ay u cambaaraynaysaa weerarka argagixiso ee lala beegsaday caasimada Suuriya ee Dimishiq.

    ‘’Waxa ay ku celinaysaa Soomaaliya sida ay u diidan tahay gabi ahaan argagixiso iyo xagjirayn noocyadooda kala duwan, waxayna adkaynaysaa dadaalada heerka dowladeed ah ee la dagaalanka argagixisada, ayna xoojinaysaa nabadda, ammaanka iyo degenaanshaha.’’

    Inta la ogyahay ilaa 18 qof ayaa ku dhaawacmay laba qarax bambaanooyin ah oo lala eegtay bartamaha Dimshiq intii lagu guda jiray booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, sida ay sheegtay dowladda Suuriya.

  13. War deg deg ah, Argentina oo samaysay soo laabasho la yaab leh, kadib markii ay Masar garaaceen

    Kooxda difaacanaysa koobka adduunka ee Argentina ayaa garaacday Masar, iyaga oo u soo baxay wareega 8-da kooxood ee Koobka Adduunka.

    Ciyaarta xiisaha badnay ayaa waxaa soo maray wakhti ay kooxda faraacinada ay ku hoggaaminayeen 2:0, Laakiin Argentina ayaa soo laabasho la yaab leh dhigtay ku dhowaad dhammaadkii qaybtii labaad ee ciyaarta,iyaga oo goolal dhaliyay xilliga loo yaqaan wakhtiga dhaawaca ee marka gool lagaa dhaliyo aadan dib usoo kabsan karin.

    Wareega 8-da Kooxood ayay wajihi doonaan kooxdii soo baxda Colombia ama Switzerland, kuwaasi oo ciyaartoodu ka socoto Vancouver.