Andy Burnham, ninka la filayo in uu badalo Keir Stamer oo loo dhaariyay xildhibaanimo

Raysal Wasaare Keir Stermer ayaa ka fiirsanayay mustaqbalkiisa siyaasadeed kadib guushii weyneyd ee Andy Burnham uu ka gaaray doorashooyinkii ku celiska ahaa ee dhacay todobaadkii la soo dhaafay

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Xoghayaha Guud ee Xisbullah: Suurtagal ma aha in ciidamada Israa’iil ay ku sii nagaadaan Lubnaan

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Naim Qassem

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Naim Qassem

    Naim Qassem, Xoghayaha Guud ee Xisbullah, ayaa ka jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Axaddii ku saabsanaa in ciidamada dalkiisu ay sii joogayaan aagga amniga (buffer zone) ee koonfurta dalka Lubnaan, isagoo yidhi: “Suurtagal ma aha in ciidamada Israa’iil ay ku sii nagaadaan Lubnaan.”

    Wuxuu yidhi: “Ma jiro aag amni oo Israa’iil leedahay. Waxaan leenahay ciidan qaran oo mas’uul ka ah difaaca dalka, annaguna waan la shaqeynaa.”

    Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa hadal uu telefishinka ka jeediyay ku daray in Israa’iil ay tahay “dal cadow ah” isla markaana “ay waajib tahay inay ka baxdo Lubnaan.”

    Sidoo kale wuxuu Maraykanka ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay sii joogitaanka Israa’iil ee Lubnaan.

  2. War deg deg ah, Soo koobidda wararka ugu muhiimsanaa ee maanta

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Wada hadalada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    JD Vance: “Kani waa kulan taariikhi ah,” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance bilowgii wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ee ka socda Bürgenstock, Switzerland, isaga oo sheegay in ujeeddadu tahay in la bilaabo bog cusub oo xidhiidh lala yeesho shacabka Iiraan lana gaadho isfaham.

    Donald Trump: Isla waqtiga wada-xaajoodyadan ay socdeen, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social: “Iiraan waa inay si degdeg ah u joojisaa ciidamada ay wakiilka ka dhigatay ee Lubnaan inay qalalaase abuuraan, haddii kale mar kale si adag ayaan u garaaci doonnaa.”

    Mohammad Bagher Qalibaf, oo ah madaxa wada-xaajoodka Iiraan, ayaa ku jawaabay: “Waxay u wanaagsan tahay inay ka taxaddaraan hadalladooda. Ciidamadeenna qalabka sida ayaa diyaar u ah inay si kale uga jawaabaan. Wax kasta oo ay yidhaahdaan, annaga ayaa ficilka qaadayna.”

    Benjamin Netanyahu: “Waxaan ku sii jiri doonnaa aagga amniga (buffer zone) ee koonfurta Lubnaan inta ay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo dadka deggan waqooyiga dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu war-saxaafadeed uu soo saaray.

    Hamid Borde, agaasimaha guud ee Shirkadda Qaranka Shidaalka ee Iiraan, kana mid ah wafdiga wada-xaajoodka Iiraan ee Switzerland, ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta shidaalka ay ka mid ahayd qodobadii maanta laga wada hadlay.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Pakistan, Turkiga, Sacuudiga, iyo Masar, oo kulan ku yeeshay Qaahira, ayaa ku baaqay in la gaadho heshiis keena xal “waara, la xaqiijin karo, isla markaana ay labada dhinac wada aqbali karaan,” kaas oo tixgelinaya walaacyada gobolka, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida dalalka ku yaalla gobolka Gacanka Faaris.

    Masoud Pezeshkian: Kulan lagu xusayay dhismaha abaabulka macallimiinta ee Jaamacadda Tehran, madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa difaacay wada-xaajoodka lala leeyahay Maraykanka, isaga oo sheegay in dhammaan taliyeyaasha militariga iyo xubnaha Golaha Ammaanka ay “si midnimo iyo wadajir ah” u go’aansadeen in lala xaajoodo Maraykanka.

  3. Waxaa soo ifbaxaya calaamado muujinaya in Starmer uu is casili doono iyadoo xaaladda dowladdu ay isbedeleyso

    UK

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Calaamadaha ayaa sii kordhaya in Isniinta ra'iisul wasaaruhu uu sameeyo qorshe uu ku doonayo inuu isku casilo.

    Sir Keir Starmer wuxuu had iyo jeer ku adkeysan jiray inuusan ka tagi doonin oo uu la dagaalami doono caqabad kasta oo hoggaamineed.

    Laakiin niyadda dowladdu way is beddeshay 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

    Dad badan oo ka tirsan dowladda ayaa hadda u maleynaya in ra'iisul wasaaruhu uu ku dhawaaqi karo jadwal uu isku casilo - isla Isniinta.

    Calaamadaha ayaa si cad u muujinaya in wax walba si dhakhso ah u socdaan sida uu Xoghayaha Ganacsiga Peter Kyle u sheegay BBC-da saakay.

    Wax uu yir Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sameyn doonaa "waxa danta dalka ugu wanaagsan".

    Wuxuu intaas raaciyay Sir Keir, wuxuu ka fekerayay caqabadaha uu wajahayo iyo xaqiiqooyinka siyaasadeed.

    Caqabadaha haysta ra'iisul wasaaruhu waxay si joogto ah u sii kordhayeen in muudo ah.

    Xildhibaanada Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku doodaya in dhibaatadu aysan xisbiga ahayn, balse ay tahay ninka ugu sarreeya. Waxay aaminsan yihiin in ra'iisul wasaaruha taageeradiisa ay hoos u dhacday shaqsi ahaan iyo in Sir Keir uu yahay kan dib u dhigaya xisbigiisa.

    Halkan kasii akhri warar dheeri ah:

  4. Wadahadalla Mareykanka iyo Iiraan uga bilawday Switzerland iyadoo Tehran ay sheegtay inay xirtay marin biyoodka Hormuz

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa ka bilowday Switzerland, ka dib markii militariga Iiraan ay ku dhawaaqeen inay mar kale xireen marin biyoodka Hormuz sababo la xiriira weerarrada Israa'iil ay ka geysanayso koonfurta Lubnaan.

    Iiraan waxay sidoo kale sababtu ku sheegtay jebinta heshiiskii ay la gashay Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, militariga Mareykanka ayaa sheegay in "gaadiidka ay sii socdaan" marin biyoodka.

    Wafdi ka socda Iiran oo ay ku jiraan afhayeenka baarlamaanka Mohammad Bagher Ghalibaf iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi, ayaa gaaray Bürgenstock Sabtidii gelinka danbe dambe.

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa isna yimid aroornimadii hore ee Axadda, wuxuuna la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo taliyaha ciidamada Asim Munir, kuwaas oo ku biiri doona wadahadallada.

    Pakistan waxay u dhaqantay sidii dhexdhexaadiye intii lagu jiray dagaalka, waxayna martigelisay wareeg hore oo wadahadallo ah oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan.

    "Pakistan ​​​​waxay sii wadi doontaa inay taageerto hirgelinta isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ku tiri hadal ay soo saartay ka hor wadahadallada.

    Vance wuxuu sheegay inuu rajeynayo inuu horumar ka sameeyo "arrinta nukliyeerka" iyo "arrinta xabbad joojinta Lubnaan".

    Halkan kasii akhri warar dheeri ah:

  5. Shir afar geesood ah oo maanta dhexmari doona Iran, US, Qatar iyo Pakistan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in maanta lagu wado in shir afar geesood ah oo u dhaxeeya Iran, Mareykanka, Qatar iyo Pakistan uu ka dhaco buurta loo dalxiis tago ee Bürgenstock ee dalka Switzerland.

    Esmail Baghaei ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi in Iran ay marka hore kulamo la qaadan doonto dhexdhexaadiyayaasha, Qatar iyo Pakistan, ka hor kulankaan.

    Waxa uu sheegay in kulankan uu yahay mid lagu sii amba qaadayo dhaqan gelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay todobaadkan la saxiixdeen dowladda Mareykanka.

  6. Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza

    Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqeymo cirka ah iyo rasaas ay ridayeen ciidamada Israel dhowr weerar oo kala duwan.

    Aljazeera ayaa sheegtay in Axmed Washah oo ka mid ahaa wariyayaasheeda lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Israel ay ku qaaday guri ku yaala xero qaxooti oo ku taal bartamaha Gaza.

    Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya inuu ka tirsan yahay Xamaas; Aljazeera ayaa horey u beenisay eedeymahan.

    Weerar kale, afar qof oo ay ku jiraan haweeney iyo labo caruur ah ayaa lagu dilay dhismo ku yaalla magaalada Gaza.

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah ciidamada qalabka sida.

    Xabbad-joojin jilicsan oo dhacday bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa hakisay dagaal baahsan oo u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil, balse maamulka caafimaadka Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaymaha Israa’iil tan iyo markaas.

  7. Ra'iisul wasaaraha Pakistan oo gaaray goobta shirka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa gaaray magaalada Bergen ee dalka Switzerland.

    Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Field Marshal Syed Asim Munir ayaa ka qeyb gali doona wadahadalo heer sare ah oo ku saabsan hirgelinta Hishiiskii Isfahamka ee Islamabad.

  8. Maxaan ka ognahay dadka ka qaybgalaya wadahadalka ka furmaya maanta Switzerland

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Marka loo eego tafaasiisha ilaa hadda la shaaciyay ee ku saabsan cidda ka qayb galaysa wada-hadallada heer-farsamo ee Maraykanka iyo Iran uga furmaya magaalada Bergen ee dalka Switzerland, ergada wada-xaajoodka Iran ka socda ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Baqir Qalibaf.

    Si kastaba ha ahaatee, Wafdiga Iran ee ka socda waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Arakchi, ku xigeenka Xoghayaha Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka Iran Ali Bagheri Kani, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Kazem Gharibabadi, iyo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmail Baghai.

    Wafdiga Mareykanka ee ka qeyb galaya wada xaajoodkan ayaa waxaa hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance, halka uu ku wehliyo wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner, iyo ergeyga bariga dhexe Steve Witkoff.

    Si kastaba ha ahaatee, dhanka Pakistan, Ra'iisul Wasaare Shahbaz Sharif iyo Field Marshal Asim Munir ayaa Pakistan u matali doona wadahadalka heerka farsamada ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran ee ka dhacaya Switzerland.

  9. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo gaaray goobta shirka

    Goobta Shirka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kolonyada uu la socdo Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa soo gaaray dhismaha Hotelka Burgenstock ee dalka Switzerland, xilli uu bilowday wada xaajoodka Iran.

    Wafdiga Iran iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay ka bilowdaan wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee ka dhici doona hoyga Bürgenstock ee dalka Switzerland.

  10. Axios: Iran oo loo fasaxayo lacan dhan 6 bilyan oo doolar hadii ay ogolaadaan baaritaano lagu sameeyo nukliyeerkooda

    Axios ayaa soo wariyay, iyagoo soo xiganaya laba ilo xog ogaal ah oo gobolka ah, in Maraykanku uu doonayo in wadahadalka koowaad ee Iran la soo afjaro iyada oo Tehran ay ku casuuntay kormeerayaasha Qaramada Midoobay inay booqdaan xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

    Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, xarumahan waxaa horey loogu bartilmaameedsaday weeraro Mareykanka iyo Israa’iil ay qaadeen, waxaana ugu dambeysay kormeerayaal ay booqdaan ka hor dagaalkii hore, bishii June 2025.

    Axios waxay tiri: "Taa badelkeeda, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu u oggolaado Iran inay hesho qaar ka mid ah hantideeda la xayiray, oo ay ku jiraan xisaab qiimeed dhan $ 6 bilyan.

    Sida warbixinta lagu sheegay, Iran ayaa lacagtan u adeegsan karta inay ku iibsato alaabo bini'aadantinimo.

    Axios waxa kale oo ay sheegtay in Israa’iil iyo Xisbullah ay xaqiijiyeen ka go’naanshahooda xabbad-joojin ka hor intii aanay wada-hadallada bilaabmin; si kastaba ha ahaatee, xabbad joojin tan la mid ah ayaa ku burburtay saacado gudahood Jimcihii.

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in xaalada Lubnaan ay meesha ka saari karto wadahadalada, balse waxa uu intaa ku daray in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio uu wado dadaalo lagu yareynayo xiisada.

  11. Mareykanka oo diiday sheegashada Iran ee xiritaanka marin biyoodka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Wada-xaajoodyada Iran iyo Maraykanka ayaa lagu wadaa inay maanta oo Axad ah wada-hadallo nabadeed ka billaabaan dalka Switzerland, halka mas’uuliyiinta Mareykanka ay beeniyeen sheegashada Iran ee ah in la xirayo marin-biyoodka Hormuz.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in wafdi heer sare ah oo ka socda dalkaas ay gaareen dalka Switzerland, sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa isna ka dhoofay magaalada Washington si uu uga qeyb galo shirarka.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in marin biyoodka Hormuz la xiray, balse taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in 55 markab oo ganacsi ah ay soo mareen marin biyoodka maalintaas, kuwaas oo in ka badan 17 milyan oo fuusto oo saliid ah geeyey suuqyada caalamka.

    Iran iyo Mareykanka ayaa isku diyaarinaya wadahadal iyadoo labada dal ay ku heshiiyeen xabbad joojin 60 maalmood ah.

    Wadahadallada ayaa ku saabsan horumarinta heshiis ku meel gaar ah oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan ayna saxiixeen Donald Trump iyo Massoud Pezzekian Arbacadii si loo soo afjaro dagaalka ku dhawaad ​​afar bilood socda ee u dhexeeyay labada dal.

  12. Wufuuda Iran iyo Mareykanka oo ku sugan Switzerland iyo wadahadalo farsamo oo bilaabmi doona

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland ayaa ku dhawaaqday in wafdi ka socda Iran ay soo gaareen dalkaas fiidnimadii Sabtida, ka hor wadahadallada ka dhacaya guriga Bürgenstock.

    Wadahadalladan ayaa looga hadlayaa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay Iran iyo Mareykanka ee lagu soo afjarayay dagaalka Bariga Dhexe.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Switzerland ayaa barteeda bulshada ee X ku soo qortay inay soo dhoweyneyso imaanshaha wafdiga Iran, iyadoo intaa ku dartay in wada xaajoodyadani ay qeyb ka yihiin hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxiixdeen Mareykanka.

    Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ee IRNA ayaa sido kale xaqiijisay imaatinka wafdiga Iran ee gaaray dalka Switzerland.