Iran oo uga digtay dalalka Khaliijka inay Maraykanka u oggolaadaan inuu dhulkooda ka weeraro Iran
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran ayaa sheegay in haddii Maraykanku u adeegsado dhulka dalalkaas inuu weerarro ku qaado Iran, ay dalalkaasi bixin doonaan "qiime aad u culus" oo ka dhalan doonta tallaabadaas.
War deg deg ah, Argentina oo farxad jilbaha dhigatay iyo Ingiriiska oo oohin dhabarka u jiifa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Argentina ayaa gaadhay final-kii labaad oo xidhiidh ah, waxayna
Axadda New Jersey kula ciyaari doonaan Spain. Waa qalbi-jab kale oo ku dhacay
England. Mar kale.
Waxay ciyaarta kaalinta saddexaad kula kulmi doonaan France.
Ciyaartoyda England ayaa dhulka daadsam iyagoo dhabarka u dhacay, halka
ciyaartoyda Argentina ay jilbaha dhigteen iyagoo dabaaldegaya guusha.
War deg deg ah, Argentina oo wacdaro dhigaysa, England 1-2 Argentina
Toogashadii Alexis Mac Allister ee ku dhacday birta goolka waxaa soo celiyay Lionel Messi, kaasoo kubadda ka qaaday dhinaca midig, kadibna soo diray karoos cajiib ah oo uu Lautaro Martínez madaxa kaga dhaliyay goolka.
Waa xaalad aad u xanuun badan oo England ku dhacday. Waxay doorteen inay dib u difaacdaan, laakiin qorshahaas ma shaqeyn.
War deg deg ah, Enzo Fernández oo dhaliyay gool 'buuqa joojiya ah', England 1-1 Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Enzo Fernández ayaa laba ama saddex jeer isku dayay inuu meel fog ka toogto goolka, markan se Jordan Pickford wax fursad ah ma siin, wuxuuna si degdeg ah u booday oo kubadda ka dul bixiyay birta goolka si ammaan ah.
Ingiriiska oo wajahaya cadaadis aad u cabsi leh, England 1-0 Argentina
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC Somali
England ilaa hadda si heer sare ah ayay u ciyaaraysay, laakiin
hadda waxaa saaran cadaadis aad u weyn. Labada dalba 15 ilaa 20 daqiiqo ee soo
socda waxay noqon doonaan kuwo aad muhiim u ah.
Argentina weerarkeeda ma joogsanaayo. Waa weerar joogto ah oo aan
kala go’ lahayn, taasina waa arrin walaac leh.
England waxay ku dheggan tahay ciyaarta iyagoo dhib yar ku
badbaadaya.
War deg deg ah, Yaa dhahay in aad hoggaanka hayso waa raaxo?, England 1-0 Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Argentina waxay wadaa weerar aad u kulul oo ay ku hayso xulka Ingiriiska, iyaga oo raba in ay ka aargutaan goosha laga dhaliyay. Difaaca ingiriiska ayaana wajahaya cadaadis daran.
Cadaadiskaan haddii uu sii saaraado xulka Ingiriiska waxaa laga yaabaa in ay isku furaan.
War deg deg ah, "Gordon si qurux badan ayuu u dhameystiray", England 1-0 Argentina
Article Information
Author, Alan Shearer
Role, Weeraryahankii hore ee England, oo kula hadlay BBC One garoonka Atlanta Stadium:
Xigashada Sawirka, Getty Images
"Tani waa waxa aan dooneynay. Tani waa waxa aan sugaynay.
Kubadda u dir dhinaca garabka, soo karoos, hana adkeynin. Gordon ayaa ka hor
maray daafacii, waxaana kaliya u dhimanaa inuu ka adkaado goolhayaha. Si qumman
ayuu kubadda ugu jiheeyay shabaqa."
Qaybta labaad ayaa Ciyaarta oo bilaabatay
Garsooraha ayaa qeybtii labaad ku bilaabay, wuxuuna dib u bilaabay ciyaarta.
ciyaartoyda ayaa u muuqada inay goor hore soo galeen garoonka.
"Messi mar walba wuxuu heli doonaa fursado uu ku muujiyo tayadiisa."
Wayne RooneyWeeraryahankii hore ee England,:
"Lionel Messi wuxuu heli doonaa fursado iyo waqtiyo uu saameyn ku yeesho kulankan. Waxaan u difaacannay si aad u wanaagsan. Waxaan muujinnay adkaysi, waxaana gadaal kaga jira kubadda ciyaartoy badan oo difaac ah.
"Waxaan u maleynayaa tallaabada xigta inay tahay: ma awoodnaa inaan Argentina kubadda ka qaadno oo aan annagu maamulno ciyaarta, isla markaana aan kubadda heysanno waqti badan?"
Qeybtii kowaad ee ciyaarta oo soo dhamaatay
Qeybtii kowaad e ciyaarta ayaa ku soo idlaatay goolal la'aan. labada kooxood ayay u muuqataa inay si aad ah isu ciyaar yaqaanan.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa u muuqatay mid si aad ah u kulul oo ay xamaasadeedu sareyso.
Aqoonta ay isu leeyihiin labada kooxood oo natiijada adkeynaysa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Is-maandhaaf
Pouria Jaffray, Los Angeles
Waxaa jiray waqti ay England iyo Argentina isku arki jireen Koobka Adduunka, xitaa ilaa Koobkii Adduunka ee 2002, oo ay aad u yareyd in ciyaartoyda labada xul ay hore ugu kulmeen heer kooxeed.
Waxaa jiray tusaalooyin yar, sida Juan Sebastián Verón, kaasoo u wareegay Manchester United kadib sannado uu ku soo qaatay ciyaaraha Talyaaniga.
Laakiin maanta xaaladdu si weyn ayay isu beddeshay. Xulka Argentina ee hadda jira, saddex ciyaaryahan ayaa ka ciyaara kooxaha Premier League-ga England sida Chelsea, Liverpool iyo Aston Villa. Sidoo kale Julián Álvarez wuxuu leeyahay waayo-aragnimo uu kula soo ciyaaray Manchester City.
Ciyaartoyda Argentina waxay si fiican u yaqaanaan kubadda cagta England iyo ciyaartoydeeda, halka ciyaartoyda England-na ay si buuxda u fahamsan yihiin xiddigaha Argentina.
Isbarashada labada dhinac waxay ka dhigaysaa in ay aad u adkaato in kooxuhu si lama filaan ah ugu yaabiyaan kuwa kale, ama ay si fudud u muujiyaan xirfado shaqsiyeed iyo xeelado cusub.
Garsooruhu go'aan sax ah ma qaatay?
Daqiiqaddii 37-aad, ciyaaryahanka Argentina Juliano Simeone ayaa galay shan qalad (fouls). Saaxiibkiis Enzo Fernández ayaa ahaa ciyaaryahanka xigay ee ugu qaladaadka badnaa, isagoo sameeyay laba qalad.
Garsooruhu sidoo kale wuxuu siiyay kaarka jaalaha ah ciyaaryahanka England Elliot Anderson, kaasoo galay qaladkiisii labaad ee ciyaarta.
Mareykanka oo digniin dhanka socdaal ah ka soo saaray dalal ay soomalaiya ku jirto
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Waaxda arrimah dibadda
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartaa La-talinta dhanka Safarka ah oo leh heerar u dhexeeya Heerka 1 ilaa Heerka 4.
Heerka 4 wuxuu ka dhigan yahay: HA U SAFRIN
Heerkan waxaa la siiyaa waddan marka xaaladaha amni ee halkaas ka jira ay aad u halis yihiin ama awoodda dowladda Mareykanka ee ay ku caawin karto muwaadiniinteeda ay aad u xaddidan tahay.
Waddamadan waxaa hadda lagu qiimeeyay Heerka 4 – Ha U Safrin:
⛔ Afghanistan
⛔ Belarus
⛔ Burkina Faso
⛔ Myanmar (Burma)
⛔ Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR)
⛔ Chad
⛔ Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC)
⛔ Haiti
⛔ Iran
⛔ Iraq
⛔ Lubnaan (Lebanon)
⛔ Libya
⛔ Mali
⛔ Niger
⛔ Waqooyiga Kuuriya (North Korea)
⛔ Ruushka (Russia)
⛔ Soomaaliya (Somalia)
⛔ Koonfurta Suudaan (South Sudan)
⛔ Suudaan (Sudan)
⛔ Suuriya (Syria)
⛔ Uganda
⛔ Ukraine
⛔ Yemen
Dagaal aad u xiiso badan, Pouria Jaffray, Los Angeles
Dagaal cajiib ah — Pouria Jaffray, Los Angeles
Labada kooxood ma aha oo kaliya inay sameyn waayeen wax shuut ah oo goolka ku wajahan, balse xitaa midkoodna weli ma uusan helin isku day toos ah oo goolka lagu beegsado.
Tirakoobkan wuxuu si cad u muujinayaa sida ay labada kooxood isugu dhow yihiin iyo sida uu kulankani u yahay mid xasaasi ah, adag, xiiso badan oo xamaasad leh.
Waa kulan ay khalad yar ama hal fursad oo keliya beddeli karto natiijada.
Richards: Waa inay England samir muujisaa
Richards: Waa inay England samir muujisaa
"Illaa hadda ciyaartu waxay ahayd mid xeelad ahaan si adag isu haysata, isla markaana u eg dagaal dhinaca jirka ah.
Anthony Gordon mararka qaar wuxuu helay meelo fiican oo bannaan, laakiin marka kubaddu u timaaddo wuxuu u baahan yahay inuu isdejiyo oo uu si deggan u go'aansado.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaartu si tartiib tartiib ah ayay u furmi doontaa, England-na waxay u baahan tahay oo keliya inay samir yeelato oo aysan degdegin."
Micah Richards wuxuu rumeysan yahay in kulanku uu hadda yahay mid adag oo labada dhinac ay si xeeladaysan isu xannibayaan.
Ciyaar adag ayaa durba bilaabatay
Waxay u muuqataa inaan goobjoog u nahay ciyaar xiisad badan. Ciyaartii xitaa weli ma bilaaban, ciyaartoyduna way is-haystaan.
Ciyaartii u dhaxaysay England iyo Argentina ayaa bilaabatay.
England 0-0 Argentina
Argentina waxay doonaysaa inay difaacato koobkeeda, halka England ay doonayso inay gaarto ciyaarta kama dambaysta ah ka dib 60 sano.
Kooxda badisa ciyaarta caawa ayaa la ciyaari doonta Spain kulanka kama dambaysta ah.
Jude Bellingham, oo ah ciyaaryahanka lambarka 10-aad ee England iyo rajada taageerayaal badan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Jude Bellingham
Jude Bellingham ayaa hoggaamiyay xulka England intii ay ka ciyaarayeen joogga sare ee magaalada Mexico City, iyo kulaylka daran iyo huurka magaalada Miami, iyadoo dadaalkiisu uu u muuqdo mid shaqsiyeed oo lagu soo afjarayo sugitaanka 60-ka sano ah ee England ay u hayso ku guuleysiga Koobka Adduunka.
Iyadoo indhaha dunidu ay ku jeedaan lambarka 10-aad ee hibada badan ee xulka Argentina, Lionel Messi, England-na waxay leedahay lambarkeeda 10-aad; xiddig Jude Bellingham, oo ay weheliyaan saaxiibbadiis, rajaynaya inuu dalkiisa gaarsiiyo guul taariikhi ah oo ay muddo dheer sugayee
Weeraryahankii hore ee Manchester City iyo xulka Argentina, Julián Álvarez, ayaa caawa wajahaya ciyaartoy uu si fiican u yaqaan oo ka tirsan xulka England.
Álvarez ayaa sannado badan ka ciyaaray Manchester City, sidaas darteed wuxuu si fiican u garanayaa qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda England.
"Qaar ka mid ah ciyaartoyda waan garanayaa, sababtoo ah waxaan ku noolaa England. Laakiin waligay fursad uma helin inaan kaga hor imaado xulka qaranka. Kulankani wuxuu noqon doonaa mid gaar ah, maadaama aan la ciyaarayno koox adag, sidoo kalena uu yahay wareegga afar-dhammaadka (semi-final)," ayuu yiri Julián Álvarez.
Markii la weydiiyay in xifaaltanka taariikhiga ah ee labada dal uu keenayo cadaadis dheeraad ah, wuxuu yiri:
"Ma hubo in ereyga 'cadaadis' la adeegsan karo, laakiin waa kulan gaar ah. Sida aan wada ognahay, labada xul waxay leeyihiin taariikh dheer oo xifaaltan ah, mana u baahni inaan wax intaas ka badan ku sharraxo."
Ciyaartoy badan oo England ah ayaa hore ula kulmay Messi iyagoo u ciyaaraya kooxahooda. Laakiin kulankan wuxuu noqon karaa dareen gebi ahaanba ka duwan, maadaama ay la ciyaarayaan halyeeyga iyo hoggaamiyaha Argentina.
Way caddahay in kooxda uu hoggaamiyo Lionel Scaloni ay ku tiirsan tahay Messi, gudaha iyo dibaddaba garoonka. Kulanka caawa waxaa si weyn u saameyn doonta inta uu Messi ciyaarta uga qayb qaato.
Sannadkii 2022, Argentina waxay ku guuleysatay Koobka Adduunka iyagoo u dagaallamay riyadii Messi. Haddaba, su'aashu waxay tahay: ma mar kale ayay ku guuleysan karaan si loo xaqiijiyo in Messi yahay ciyaaryahanka ugu weyn ee taariikhda kubadda cagta?