Weeraryahankii hore ee Manchester City iyo xulka Argentina, Julián Álvarez, ayaa caawa wajahaya ciyaartoy uu si fiican u yaqaan oo ka tirsan xulka England.
Álvarez ayaa sannado badan ka ciyaaray Manchester City, sidaas darteed wuxuu si fiican u garanayaa qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda England.
"Qaar ka mid ah ciyaartoyda waan garanayaa, sababtoo ah waxaan ku noolaa England. Laakiin waligay fursad uma helin inaan kaga hor imaado xulka qaranka. Kulankani wuxuu noqon doonaa mid gaar ah, maadaama aan la ciyaarayno koox adag, sidoo kalena uu yahay wareegga afar-dhammaadka (semi-final)," ayuu yiri Julián Álvarez.
Markii la weydiiyay in xifaaltanka taariikhiga ah ee labada dal uu keenayo cadaadis dheeraad ah, wuxuu yiri:
"Ma hubo in ereyga 'cadaadis' la adeegsan karo, laakiin waa kulan gaar ah. Sida aan wada ognahay, labada xul waxay leeyihiin taariikh dheer oo xifaaltan ah, mana u baahni inaan wax intaas ka badan ku sharraxo."
"Si kastaba ha ahaatee, ugu dambayn waa ciyaar kubadda cagta ah. Waxa ugu muhiimsan waa inaan joogno semi-final-ka Koobka Adduunka." ayuu intaa ku daray