Askar Maraykan oo lagu dilay Jordan mid la la'yahay iyo wararkii ugu dembeeyey ee xiisadda Beriga Dhexe

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa la dilay, halka mid kalena weli la la'yahay, kadib weerarro ay Iiraan ay u adeegsatay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ka dhacay Jordan maalintii Jimcaha, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in afar askari oo Mareykan ah loo qaaday isbitaallo ku yaalla Jordan si loogu daweeyo dhaawacyo soo gaaray, balse hadda dhammaantood waa laga saaray isbitaalka. Askar kale oo dhaawacyo fudud qabayna waxay dib ugu laabteen shaqadoodii.
Saraakiisha milatariga Mareykanka ma shaacin magacyada askarta la dilay, mana aysan bixin faahfaahin ku saabsan sida ay dhacdadu u dhacday ama goobta saxda ah ee ay ka dhacday.
Dhacdadan ayaa timid kadib toddobaad ay colaaddu dib u qaraxday, iyadoo Washington ay dib u soo rogtay xannibaaddii dekedaha Iiraan, halka Tehran ay ku dhawaaqday in marinka muhiimka ah ee Hormuz la xiray. Tani waxay dhacday kadib markii heshiis xabbad-joojin oo horudhac ahaa uu burburay wax ka yar bil markii uu dhaqan galay.
Sabtidii, Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa bayaan qoraal ah ku sheegay in "jebinta soo noqnoqotay" ee Mareykanku ku sameeyay heshiiska ay "muujisay xaqiiqo aasaasi ah: saxiixa madaxweynaha Mareykanka gabi ahaanba waa mid aan wax qiimo iyo kalsooni ah lahayn."
Khamenei, oo aan si fagaare ah loo arag tan iyo weerarkii lagu dilay aabbihii bilowgii dagaalka, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu doonayo "inuu sii huriyo colaadda", isagoo sheegay in Iiraan ay "u hayso casharro aan la ilaawi karin."
Ciidamada Jordan ayaa hore u sheegay inay hawada ku qabteen oo soo rideen 10 gantaal oo Iiraan ay ku soo tuurtay hawadooda, iyagoo sheegay inaan wax khasaare ah la soo sheegin.
Tirada guud ee ciidamada Mareykanka ee ku dhintay colaaddan ayaa hadda gaartay 16, kadib markii duuliye ka tirsanaa Ciidanka Badda Mareykanka oo horaantii bishan la waayay si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu dhintay. Tani waa markii labaad toddobaadkan ee tirada dhimashada ciidamada Mareykanka kor u kacdo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bayaan uu soo saaray uu Sabtidii, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa lagu yiri:
"Laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Jordan ayaa ku dhintay iyagoo ku jiray howlgal dagaal, xilli ciidamada Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) iyo ciidamada xulafada ay iska difaacayeen weerarro ay Iiraan ku qaaday gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Intaa waxaa dheer, hal askari ayaa weli la la'yahay."
"Iyadoo la ixtiraamayo qoysaska askarta, CENTCOM ma bixin doonto macluumaad dheeraad ah, oo ay ku jiraan magacyada askarta geeriyootay, ilaa 24 saacadood kadib marka qoysaskooda si rasmi ah loogu wargeliyo."
Isagoo ka jawaabaya geerida askartaas, Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa bartiisa X ku qoray:
"Ilaahay ha u naxariisto geesiyaasha. Nafhuriddooda waxay sii xoojinaysaa go'aankeenna."
Dhanka kale, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay Sabtidii ku burburiyeen ugu yaraan laba diyaaradood oo dagaal oo Mareykanku lahaa, kuwaas oo ku sugnaa saldhigga Al-Azraq ee Jordan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Iiraan.
BBC ayaa la xiriirtay CENTCOM si ay uga hesho faahfaahin ku saabsan sheegashadaas, balse talisku wuu diiday inuu bixiyo xog dheeraad ah.
Sidoo kale Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin ay ugu baaqayso dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dunida, gaar ahaan Bariga Dhexe, inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah maadaama xaaladda amni ay sii xumaan karto.
Wargelin socdaal oo la soo saaray waxay dadka ku sugan gobolka ku boorriyay inay si joogto ah ula socdaan wararka si ay ula socdaan wixii xaalado cusub ama degdeg ah ee soo kordha.
Waxa kale oo lagu wargelinta lagu yiri:
"Sababo la xiriira xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe, xaaladda amniga ayaa weli ah mid adag oo cakiran, waxaana jirta suurtagalnimo ah inay si lama filaan ah uga sii darto ama u sii xumaato."
Washington iyo Tehran waxay bishii Juun gaareen heshiis hordhac ah oo lagu soo afjarayo dagaalka, laakiin heshiiskaas ayaa burburay toddobaadyo gudahood, iyadoo Trump uu 8-dii Luulyo ku dhawaaqay in heshiiskaasi "dhammaaday".
Ugu yaraan 50 qof ayaa la dilay, halka in ka badan 500 qof ay dhaawacmeen weerarrada Mareykanka ee saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran iyadoo soo xiganaysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.
Kumanaan kale ayaa lagu dilay guud ahaan Bariga Dhexe tan iyo markii dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa'iil iyo Iran uu bilowday 28-kii Febraayo.
Jimcihii wuxuu ahaa habeenkii toddobaad oo xiriir ah oo Mareykanku weerarro ka fuliyo Iran, sida ay sheegeen ciidamada. Marka laga soo tago bartilmaameedyada milatari, labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay inay maalmahan weerareen kaabayaal muhiim ah.
Mareykanka ayaa beeniyay eedeymaha Iran ee ahaa inuu weeraray buundooyin, saldhig tareen iyo garoon diyaaradeed horraantii toddobaadkan. Washington waxay sheegtay in ay si gaar ah u beegsatay oo keliya goobaha milatari.
Dhanka kale, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa ku eedeeyay Tehran inay si ula kac ah u bartilmaameedsanayso kaabayaasha rayidka ah ee gobolka.
Kadib markii Iran ay sheegtay inay uga jawaabtay weerarrada Mareykanka iyadoo bartilmaameedsatay xulafada Mareykanka ee ku sugan Khaliijka maalintii Sabtida, Kuwait waxay sheegtay in la weeraray warshad koronto iyo warshad sifeynta biyaha.
Jasem Mohamed Albudaiwi, oo ah xoghayaha guud ee golahaas oo matala Sacuudi Carabiya, Kuwait, Qatar, Baxrayn, Imaaraadka Carabta iyo Cumaan, ayaa sheegay in falalka noocaas ah ay yihiin "dambiyo dagaal".
Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, weerarrada lagu qaado dadka rayidka ah ama goobaha rayidka ah waa sharci-darro.

Dhanka kale, Iran waxay ku dhawaaqday in Marinka Hormuz la xiray, taasoo sababtay in isu-socodka maraakiibta uu istaago marinkan muhiimka ah ee maraakiibta, kaas oo caadi ahaan ay maraan ku dhowaad shan meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee (LNG) ee dunida.
Trump ayaa Isniintii sheegay in dhammaan maraakiibta maraysa Marinka Hormuz oo ay ku jiraan kuwa xulafada Mareykanka ay bixin doonaan khidmad 20% ah si ay u isticmaalaan marinkaas, laakiin Talaadadii ayuu gabi ahaanba ka noqday qorshahaas, isagoo sheegay in beddelkiisa lagu sameyn doono heshiisyo ganacsi lala galo xulafada Khaliijka.















