TOOS, Iiraan oo Britain uga digtay weerar ay geystaan diyaaradaha B-1 iyo London oo kala baxday diblomaasiyiinteeda

Ilaalada Kacaanka ayaa ka digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro dhulka Iiraan uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah”, kaddib markii Axios ay soo warisay in diyaarad wax duqaysa oo nooca B-1 ah ay ka duushay saldhig ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska si ay u garaacdo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

Tebin toos ah

  1. Ingiriiska oo cambaareeyay weerar ay gaysteen Xuutiyiintu

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Xuuthiyiinta ay Iiraan-taageerto ku qaadeen maraakiibta Sacuudiga, kuwaas oo sababay koror weyn oo ku yimid qiimaha saliidda.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in falalkan “aan laga fiirsan” ay khatar gelinayaan nolosha dadka, deegaanka iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

    Ingiriiskuna wuxuu muujiyay garab istaag uu la garab taagan yahay Sacuudi Carabiya, wuxuuna ugu baaqay Xuuthiyiinta in ay joojiyaan weerarrada.

  2. Cabbaas Araqchi oo ka degay Kyrgyzstan

    Iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa u safray Kyrgyzstan isaga iyo wafdi la socday si ay uga qayb galaan shir ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai.

    Diyaaradda Mr. Araqchi ayaa ku degtay magaalada Chulpan-Ata ee Kyrgyzstan fiidnimadii Khamiista

    Cabbaas Araqchi

    Xigashada Sawirka, s_a_araghchi

  3. Iiraan oo digniin u dirtay Britain

    Ilaalada Kacaanka ayaa ka digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro dhulka Iiraan uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah”, kaddib markii Axios ay soo warisay in diyaarad wax duqaysa oo nooca B-1 ah ay ka duushay saldhig ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska si ay u garaacdo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

    Dhanka kale, London ayaa xaqiijisay in ay ka daadgureysay diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii ugu dambeeyay ee ku sugnaa Iiraan, sababo la xidhiidha xaaladda amni ee sii xumaanaysa.