JD Vance: “Kani waa kulan taariikhi ah,” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD
Vance bilowgii wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ee ka
socda Bürgenstock, Switzerland, isaga oo sheegay in ujeeddadu
tahay in la bilaabo bog cusub oo xidhiidh lala yeesho shacabka Iiraan lana
gaadho isfaham.
Donald Trump: Isla waqtiga wada-xaajoodyadan ay socdeen, madaxweynaha Maraykanka Donald
Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social: “Iiraan
waa inay si degdeg ah u joojisaa ciidamada ay wakiilka ka dhigatay ee Lubnaan
inay qalalaase abuuraan, haddii kale mar kale si adag ayaan u garaaci doonnaa.”
Mohammad Bagher Qalibaf, oo ah madaxa wada-xaajoodka
Iiraan, ayaa ku jawaabay: “Waxay u wanaagsan tahay inay ka taxaddaraan
hadalladooda. Ciidamadeenna qalabka sida ayaa diyaar u ah inay si kale uga
jawaabaan. Wax kasta oo ay yidhaahdaan, annaga ayaa ficilka qaadayna.”
Benjamin Netanyahu: “Waxaan ku sii jiri doonnaa aagga
amniga (buffer zone) ee koonfurta Lubnaan inta ay lagama maarmaan tahay si loo
ilaaliyo dadka deggan waqooyiga dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin
Netanyahu war-saxaafadeed uu soo saaray.
Hamid Borde, agaasimaha guud ee Shirkadda Qaranka Shidaalka
ee Iiraan, kana mid ah wafdiga wada-xaajoodka Iiraan ee Switzerland, ayaa
sheegay in qaadista cunaqabateynta shidaalka ay ka mid ahayd qodobadii maanta
laga wada hadlay.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Pakistan, Turkiga, Sacuudiga,
iyo Masar, oo kulan ku yeeshay Qaahira, ayaa
ku baaqay in la gaadho heshiis keena xal “waara, la xaqiijin karo, isla
markaana ay labada dhinac wada aqbali karaan,” kaas oo tixgelinaya walaacyada
gobolka, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida dalalka ku yaalla gobolka Gacanka
Faaris.
Masoud Pezeshkian: Kulan lagu xusayay dhismaha abaabulka macallimiinta ee Jaamacadda Tehran,
madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa difaacay
wada-xaajoodka lala leeyahay Maraykanka, isaga oo sheegay in dhammaan
taliyeyaasha militariga iyo xubnaha Golaha Ammaanka ay “si midnimo iyo wadajir
ah” u go’aansadeen in lala xaajoodo Maraykanka.