You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iraan: Marinka Hurmuz amnigiisa lama dammaanad qaadi karo haddii aan Iran lala kaashan maridiisa;

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in marin ammaan ah oo loo maro Marinka Hormuz aan la dammaanad qaadi karin iyada oo aan lala yeelan Iran arrimaha isku-dubaridka howlaha marinka,

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadda fiisaha ee uu Midowga Yurub ku soo rogay Soomalida

    Midowga Yurub ayaa soo rogay xayiraado ku meelgaar ah oo adkaynaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fiisaha Schengen, iyagoo ku sababeeyay in Soomaaliya aysan si ku filan ula shaqaynin aqbalidda dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee si sharci darro ah ugu nool waddamada Midowga Yurub.

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay tallaabada uu Midowga Yurub fiisaha ugu soo rogay Soomaalda.

    Madaxweyne Xassan Sheekh oo khudbad ka jeedinayay xuska maalinta 26 June, ayaa kdudbaddiisa ku soo hadal qaaday qodobkan, isagoo beeniyay warka ka soo baxay Midowga ee ah in Soomaalidu diidday dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee si sharci darro ah ugu nool waddamada Midowga Yurub.

    “Waxaan dadka Soomaaliyeed, Midowga Yurub iyo dadka jooga Yurub inaan u sheego, anaga ma aanan diidin dadkeena oo dalkan ayay leeyihiin, mana diidi karno, waxaan keliya is weydiineynaa dadkaas sida loo soo celinayo oo keliya oo aan su’aalo ka qabnaa”, ayuu yri madaxweynaha.

    “Qof kasta oo midabkeennan leh, muuqaalkeena leh ee Geeska Afrika ku nool ayaa Soomaalinimo isu dhiibay siu u u helo sharciga magangalyada. Muwaadiniinta jamhuuriyadda Soomaaliya dalkan ayay leeyihiin lama diidi karo laakin waxaan waayo arag u ahayn oo aan u soo joognay dad la soo celiyay oo waa Soomaali la yiri oo la ogaaday inaysan Soomaali ahayn, af-soomaali aanay aqoonin, laakin maalinkay isdhiibayeen ayay Soomaali inay yihiin ay sheegteen, maanta marka waxaan taaganahay war aan hubinno dadkan inay Soomaali yihiin oo ay muwaadiniinta jamhuuriyadda Soomaaliya yihiin”, ayuu madaxweynuhu sii raaciyay hadalkiisa.

    Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay inay ogol yihiin inay dadkaas soo celiyaan hadii la hubiyo inay Soomaali yihiin iyo sida loo keenayo, Waxaa u sheegay inay arrintaas tahay waxa ay isku heystaan Midowga Yurub.

    “Kuwii sharciga waayay, waxaan rabnaa inay dalka dib ugu soo laabtaan, anaaga rabno, maalin walbo inta aan diyaarado kireyno ayaan ka soo qaxeynaa meelo ay joogaan”, ayu intaas ku daray.b.

    Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan si ku filan uga qayb qaadan dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu amray inay ka baxaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

    Iyadoo la raacayo tallaabooyinka cusub, muwaadiniinta Soomaaliyeed ma heli doonaan fiisaha Schengen ee dal kusoo‑gal badan (multiple‑entry), kuwaas oo u oggolaanaya haystayaasha inay dhowr jeer galaan aagga Schengen inta uu fiisaha shaqaynayo.

    Sidoo kale akhri

  2. Midowga Yurub oo Soomaalida kusoo rogay xayiraad fiisaha ah

    Midowga Yurub ayaa soo rogay xayiraado ku meelgaar ah oo adkaynaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fiisaha Schengen, iyagoo ku sababeeyay in Soomaaliya aysan si ku filan ula shaqaynin aqbalidda dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee si sharci darro ah ugu nool waddamada Midowga Yurub.

    Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan si ku filan uga qayb qaadan dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu amray inay ka baxaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

    Iyadoo la raacayo tallaabooyinka cusub, muwaadiniinta Soomaaliyeed ma heli doonaan fiisaha Schengen ee dal kusoo‑gal badan (multiple‑entry), kuwaas oo u oggolaanaya haystayaasha inay dhowr jeer galaan aagga Schengen inta uu fiisaha shaqaynayo.

    Midowga Yurub wuxuu sidoo kale kordhiyay waqtiga caadiga ah ee lagu farsameeyo codsiyada fiisaha Soomaalida laga bilaabo 15 maalmood ilaa 45 maalmood. Isbeddelkan wuxuu saameyn doonaa Soomaalida doonaysa inay u safraan Yurub shaqo, waxbarasho, booqasho qoys ama dalxiis.

  3. Muxuu madaxweynihii hore Muuse Biixi uga digay xukumadda madaxweyne Cirro?

    Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa madaxweyne hore Muuse Biixi ku yiri: sidaan “Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa”.

    Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in laga feejignaado waxa ka imaan kara heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, isagoo si gaar ah xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay aad uga fiirsato waxa ka dhalan kara gelitaanka heshiisyada caalamiga ah si aaney wax ugu dhimin Somaliland, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:

    “Sida darteed, waxa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo lafo-guro culayska iyo natiijada ka soo baxaysa heshiisyada iyo isbeddellada socda, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed. Sidaas awgeed, waxa la gudboon Dawladda, gaar ahaan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, inay si xeeldheer u daraasadayso saamaynta ka dhalan karta isbeddelladan caalamiga ah, si looga baaqsado il-duuf siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Qaranka. Waxa kale oo muhiim ah in tallaabooyinka aynu hore u qaadnay iyo kuwa ina horyaalla la is waafajiyo, iyadoo lagu salaynayo danta Qaranka”.

    Hadalka madaxweyne hore Muuse Biix, ayaa ku soo aadaya xilli madaxweyne Cirro uu maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa, kadib safar uu toddobaad ugu maqnaa Israa’iil.

  4. War deg deg ah, Qoorqoor oo ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka doorashada Galmudug

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka doorashada maamulkaas oo mudo muran ka taagnaa.

    “Waxaan go’aansaday howshan hadda socota annigu in aan ka hadho oo aan ka tanaasulo” ayuu sheegay isaga oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacaysay magaalada Dhuusamareeb habeenkii xalay ahaa oo uu goobjoog ka ahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

    “Xilka ayaan sii haynaynaa, cid kasta oo kusoo baxdana waxaan ku wareejinaynaa Galmudug midaysan caafimaad qabta oo horey u socota.”

    Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2020-kii kadib markii uu ku guuleystay doorashadii halkaas ka dhacday.

    Isagoo xusay in uu u daneeyay mustaqbalka maamulkaas xilkana usii haynayo inta maamul cusub ka imanayo.

  5. War deg deg ah, Mareykanka oo sheegay in weerarka lagu qaaday markab shidaal oo laga leeyahay Singapore ay fulisay Iran

    Saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la shaacin ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in weerarkii Khamiistii lagu qaaday markab shidaal oo ku dhow Marinka Hormuz ay fuliyeen Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC).

    Iran weli kama aysan jawaabin sheegashadan, balse Ciidanka Badda ee IRGC ayaa habeenkii Arbacada ka digay in maritaanka Hormuz ay kaliya suurtagal tahay marka Iraan lagala macaamilo marinnada sida rasmi ah loo shaaciyey, isla markaana maraakiibtu ay marinka uga gudbaan iyadoo ay kaashanayaan ciidamada Iran.

    Maanta Khamiis, 25-ka Luulyo Hay’adda cusub ee Maareynta Marinka Hormuz ayaa ka digtay in “cawaaqibka ka dhasha marista marinnada aan la oggolayn” ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan maraakiibta.

    Wakaaladaha wararka Iran ayaa habeenkii Khamiista qortay: “Iyada oo laga jawaabayo su’aalo soo noqnoqday, Hay’adda Marinnada Biyaha ee Gacanka Faaris (PGSA) waxay ku dhawaaqday in gaadiid kasta oo mara waddooyin ka baxsan nidaamka ay hay’addu dejisay aanu hoos imanayn dammaanadda marin ammaan ah, isla markaana aanu ku jiri doonin caymiska iyo waajibaadka la xiriira.”

    Qoraalka hay’addu wuxuu sidoo kale adkeeyey in: “Cawaaqibka ka dhasha safarka marinnada aan la oggolayn ay qaadi doonaan milkiilaha, hawlwadeenka iyo kabtanka markabka.”

    Digniintii IRGC ee habeenkii Arbacada waxay timid kaddib markii Cumaan ay ku dhawaaqday, intii uu Marco Rubio booqanayay dhowr dal oo Khaliijka ah, inay samaysay marin-badeed cusub si loo dedejiyo maritaanka maraakiibta ee Marinka Hormuz. Warkaas waxaa soo dhoweeyey Baxrayn, balse waxay u muuqataa in bayaan ka soo baxay Ciidanka Badda ee IRGC uu ahaa “falcelin taban” oo ku wajahan sameynta marinka cusub.

    Si kastaba ha ahaatee, Iran weli si rasmi ah uma aysan aqbalin mana aysan beenin mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday markabka laga leeyahay Singapore.

  6. War deg deg ah, Maxkamadda Sare ee Maraykanka: Donald Trump wuu ka noqon karaa sharci ilaaliya kumanaan Soomaali ah oo Maraykanka kunool iyo boqolaal kun oo dunida kale ka yimid.

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Xaaladdan ayaa u oggolaatay 350,000 muhaajiriin ka yimid Haiti iyo 6,100 ka yimid Suuriya inay ku sii nagaadaan Maraykanka sanado badan.

    Go’aanka Khamiistii kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa inuu saameyn ku yeesho dadka ka haysta xaaladdan ee ka yimid dalal kale.

    Go’aan kale oo gooni ah, Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale sheegtay in muhaajiriinta gaaraya xadka Maraykanka iyo Mexico aysan xaq u lahayn inay dalbadaan magangelyo ilaa ay cagta soo dhigaan gudaha dalka, taas oo loo arko guul kale oo u soo hoyatay maamulka Donald Trump.

    Temporary Protected Status (TPS) waa nidaam ay dowladda Maraykanku siiso dadka ajnabiga ah ee ka yimid dalal aan awoodin inay dib u qaabilaan muwaadiniintooda sababo la xidhiidha dagaal, masiibo dabiici ah, ama xaalado kale oo burbur ah. Dadka hela xaaladdan waxay si sharci ah ugu noolaan karaan ugana shaqayn karaan Maraykanka ilaa 18 bilood, iyadoo la cusboonaysiin karo.

    Inta muddadaas lagu jiro, hay’adaha amniga ma awoodaan inay masaafuriyaan ama xidhaan dadkaas sababo la xiriira xaaladdooda socdaalka.

    Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay siiyay “xaaladda ilaalinta ku-meelgaarka ah” muhaajiriinta Haiti kadib dhulgariirkii 2010, halka muhaajiriinta Suuriya lagu siiyay kadib dagaalkii sokeeye ee 2012.

    Ku dhawaad 2,500 oo Soomaali ah ayaa haysta sharcigaan taas oo ka dhigan in hadda kadib Trump soo masaafurin karo dadkaas kadib ogolaanshaha maxkamadda.

  7. War deg deg ah, Reuters: Netanyahu waa dhibbanaha ugu weyn ee heshiiska Iran iyo Maraykanka

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa falanqeeyayaal iyo saraakiil hore oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in heshiiska Iran iyo Maraykanka uu dhaawici karo kalsoonida siyaasadeed ee Benjamin Netanyahu si ka badan inta uu wax u dhimayo istaraatiijiyadda Israel ee ku wajahan Tehraan.

    Muddo sanado ah, Netanyahu wuxuu isu soo bandhigayay inuu yahay hoggaamiyaha keliya ee Israa’iili ah ee saameyn ku yeelan kara siyaasadda Washington ee ku aaddan Iran, isla markaana Maraykanka ku qancin kara dalabaadka Israel. Isagoo ku tiirsan taageerada Jamhuuriga Maraykanka, wuxuu si joogto ah u adkaynayay in cadaadis milatari oo keliya lagu xakameyn karo Tehraan.

    Laakiin sida ay Reuters sheegtay, saxiixa is-afgaradka dhex maray Washington iyo Tehraan si dagaalka loo soo afjaro wuxuu muujinayaa in xisaabtaasi is beddeshay. Halkii uu siyaasadda Maraykanka jihayn lahaa, Netanyahu hadda wuxuu ku khasban yahay inuu aqbalo jihada Donald Trump, oo ah madaxweyne u arka diidmada Israa’iil inay caqabad ku tahay heshiis la gaadho.

    Sarkaal hore oo Maraykan ah, Dennis Ross, ayaa sheegay in Benjamin Netanyahu uu ku dhex xayiran yahay baaqa Donald Trump ee ah in colaadda la soo afjaro iyo diidmada taageerayaashiisa gudaha ee ku aaddan tanaasullada, gaar ahaan arrimaha Lubnaan.

    Aviv Bushinsky, oo hore la taliye ugu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa isaguna yidhi: “Heshiiska Iran iyo Maraykanka waa dharbaaxo go’aan leh oo ku dhacday Netanyahu. Ma aha oo keliya inuu ku guuldarraystay dagaalkii Iran, balse sidoo kale wuxuu waayay Trump oo saaxiib u ahaa.”

    Reuters waxay qortay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uusan ka jawaabin codsi ay wakaaladdu ka dalbatay faallo ku saabsan arrintan.

  8. War deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga: Marna kama anaan qaybgelin dagaalka Iran

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in dalkiisu uusan waligiis ka qaybgelin dagaalka Iran.

    Waxay sheegtay in Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, uu si khaldan u fahmay nooca duullimaadyada la oggolaaday, dabadeedna uu saxay khaladkiisa isla markaana uu arrinta caddeeyay.

    Meloni waxay hadalkan ka sheegtay dhammaadkii shir-madaxeedkii 36-aad ee dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska, kaas oo ka socda Antibes.

    Waxay tidhi Rooma waxay u hoggaansantay waajibaadkeeda iyo heshiisyadii la xidhiidhay isticmaalka saldhigyada, balse intaas kama sii gudbin.

    Mark Rutte ayaa Arbacadii u sheegay Fox News in Yurub dhab ahaantii ahayd “meel ay Maraykanku ku muujiyaan kuna adeegsadaan awooddooda,” isaga oo ka jawaabayay hadallo uu Madaxweyne Donald Trump ku sheegay in xulafada NATO aysan Maraykanka si ku filan u taageerin.

    “Shan boqol oo diyaaradood oo Maraykan ah ayaa ka duulay saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Talyaaniga si ay u taageeraan Howlgalka Epic Fury. Sidaas darteed taageeradeennu aad bay u ballaadhneyd,” ayuu yidhi.

    Ka hor hadalka Meloni, Wasiirka Difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa sidoo kale sheegay in hadalka Xoghayaha Guud ee NATO uu ka dhashay “xamaasad” isla markaana uu sababay isfaham la’aan.

    Esmail Baghaei, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa ka falceliyay hadallada Xoghayaha Guud ee NATO, isaga oo sheegay in isbahaysigan milatari lagula xisaabtamo.

    Mudane Baghaei ayaa habeenkii Arbacada ku qoray X: “Tani waa qirasho cad oo muujinaysa ku lug lahaanshaha firfircoon ee NATO ee dagaalka gardarada iyo sharci-darrada ah ee lagu qaaday dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay; waana xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay.”

  9. War deg deg ah, Faahfaahin cusub oo ku saabsan weerar lagu qaaday markab xamuul ah meel u dhow marinka Hormuz

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Xarunta UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay in markabka uu ku dhacay madfac dhinaca starboard-ka, xilli uu marayay Marinka Hormuz, qiyaastii 14 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan dekedda Dahit ee Cumaan.

    Sida ku cad qiimeyntii hore ee Embry Maritime Security, dhacdadan waxaa loo arkay weerar sababay dhaawac soo gaaray qolka hagista markabka, balse wax dhimasho ah ama waxyeello deegaan ah lama soo sheegin.

    Mas’uuliyiintu waxay wadaan baadhitaanka dhacdadan, waxaana maraakiibta lagula taliyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan marka ay marayaan aaggaas.

    Sidoo kale, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in maritaan ammaan ah oo loo maro Marinka Hormuz uu suurtagal ka yahay keliya jidadka ay Iran cayimtay, isla markaana maraakiibta aan u hoggaansamin xeerarkan lala tacaali doono.

    Ka hor dhacdadan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in haddii Iran ay hanjabto ama joojiso maraakiibta maraya Marinka Hormuz, “waxaan la kulmi doonnaa dhibaato.”

    Sidoo kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobay (IMO) ayaa ka qayb qaadanaysa samatobixinta boqolaal markab oo ku xaniban Gacanka Faaris, kuwaas oo halkaas ku xayirmay tan iyo markii dagaalku billowday dabayaaqadii Febraayo.

    Shirkadda reer Taiwan ee Evergreen, oo leh markabka, weli wax faallo ah kama bixin arrintan.