Masar iyo Eritrea oo cambaareeyay "isku-dayada lagu doonayo in si sharci-darro ah lagu maamulo Badda Cas"

Xigashada Sawirka, Egyptian ministry of foreign affairs
Masar iyo Eritrea ayaa sheegay in "amniga iyo maamulka Badda Cas ay khuseeyaan oo keliya dalalka ku teedsan xeebaha Badda Cas."
Waxay sidoo kale muujiyeen mowqifkooda ah in isku day kasta oo ay sameeyaan dalal aan ka mid ahayn kuwa xeebaha leh si ay "si sharci-darro ah ugu maamulaan Badda Cas" uu yahay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Wargeyska Masar ee Al-Ahram ayaa shalay ku qoray boggiisa internetka in labada dal ay ku dhawaaqeen mowqifkooda wadajirka ah kaddib wada-hadal ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.
Waxaa la sheegay in ay cambaareynayaan isku day kasta oo ay dalal aan ahayn kuwa xeebaha Badda Cas ay ku doonayaan inay "ku soo rogaan doorkooda ilaalinta amniga."
Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Osman Saleh, iyo wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa ka wada hadlay xoojinta "iskaashiga istiraatiijiga ah" ee ka dhexeeya dalalkooda iyo sida ay iskugu dubbaridi lahaayeen mowqifyadooda ku saabsan arrimaha ay wadaagaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu siinayo Eritrea "taageero buuxda" dadaallada ay ku ilaalinayso "madax-bannaanideeda, isku-xirnaanta qaran iyo midnimada dhulkeeda."
Waxaa sidoo kale la sheegay in booqashadii dhowaan uu Madaxweyne Isaias Afwerki ku tagay Masar ay ahayd "mid miro-dhal ah," isla markaana ay muhiim tahay in mustaqbalka diiradda la saaro horumarinta xiriirka labada dal.
Waxaa la xusuustaa in bishii May Masar iyo Eritrea ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan gaadiidka badda iyo isku xirka dekedaha, iyagoo mar kale caddeeyay in arrimaha Badda Cas ay khuseeyaan "oo keliya dalalka ku teedsan xeebaha Badda Cas."
Labada dal waxay sheegeen in Badda Cas ay "si toos ah ugu xiran tahay amniga qaran ee dalalka xeebaha leh," ayna tahay in "cid aan deris la ahayn Badda Cas aysan faragelin arrimaha la xiriira Badda Cas."
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa sanadkan mar labaad booqday Masar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka arrimaha dibadda Masar iyo Wasiirka Gaadiidka Masar, Lieutenant General Kamel al-Wazir, ayaa sidoo kale lagu xusuustaa inay kula kulmeen Madaxweyne Isaias Afwerki magaalada Asmara.
Warbixinta Al-Ahram ee maanta ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Masar uu ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiskii iskaashiga gaadiidka badda ee la saxiixay intii lagu jiray booqashadaas.
Wasiirku wuxuu sheegay in Masar ay doonayso inay kordhiso ganacsiga labada dal, dhiirrigeliso maalgashiyada wadajirka ah, isla markaana ay ballaariso ka-qaybgalka shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Qaahira ee suuqa Eritrea.
Qaybaha mudnaanta la siinayo waxaa ka mid ah macdanta, dhismaha kaabayaasha, gaadiidka badda, isku xirka dekedaha, soo saarista dawooyinka iyo dhaqashada kalluunka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in wasiirrada Eritrea iyo Masar ay ka wada hadleen xaaladda Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xaaladaha ka jira Suudaan iyo Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Geeska Afrika ku tilmaamay "fiditaan toos ah oo ka mid ah amniga qaranka Masar," wuxuuna sheegay in Qaahira ay ka go'an tahay "ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka."
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageeridda hay'adaha qaran ee dowladaha iyo ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka.
Masar waxay intaas ku dartay inay ka soo horjeeddo "tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ku xadgudbaysa madax-bannaanida dowladaha ama carqaladaynaysa xasiloonida gobolka."
Sanadihii u dambeeyay, Masar iyo Eritrea waxay xoojiyeen xiriirkooda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Kadib markii Itoobiya ay si rasmi ah u sheegtay rabitaankeeda ah inay hesho marin-badeed, waxaa la xusuustaa in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Nebiat Getachew, uu sheegay in Masar ay u dhaqaaqayso "qaab u ek go'doomin."
Bayaan uu bixiyay ayuu ku sheegay in tan iyo markii Itoobiya soo bandhigtay codsigeeda marin-badeed, ay ka imanayaan dhinaca Masar "xiisado iyo tallaabooyin u ek kicin ama cadaadis."















